Saturday, April 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliiska Soomaliyeed oo kormeeray xarumaha Ciidanka Booliiska ee Magaalada Gaalkacyo.+SAWIRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliiska Soomaliyeed oo kormeeray xarumaha Ciidanka Booliiska ee Magaalada Gaalkacyo.+SAWIRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

General Bashiir Cabdi Maxamed Taliye ku xigeenka labaad ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta kormeer uu ugu kurgalayo xaaladda Ciidanka Booliiska Galmudug ku tagay qaar ka mid ah xarumaha Ciidanka Booliiska ee Magaalada Gaalkacyo.

Generaal Bashiir Cabdi Maxamed ayaa intii uu guda jiray kormeerkiisa waxa uu warbixinno ku aadan xaalada ay ku shaqeeyaan Ciidanka Booliiska Galmudug ka dhagaystay saraakiisha Ciidanka Booliiska Galmudug, kuwaasi oo faah faahin guud ka siiyay xaaladaha shaqo ee  Ciidanka Booliska iyo doorka ay ka qaataan sugidda iyo adkeynta amaanka Magalada Gaalkacyo iyo guud ahaan deegaanada Galmudug,

Related posts

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka

April 4, 2026
Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka KGS oo kulamo la qaatay Waxgaradka iyo Odayaasha maamulkaasi

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka KGS oo kulamo la qaatay Waxgaradka iyo Odayaasha maamulkaasi

April 4, 2026

waxaana ay sheegeen in ay jirto dhibaatooyin la xariira agabyada ay u baahan yihiin in ay ku shaqeeyaan Ciidanka Booliiska Galmudug iyo waxyaabaha xilligaani lama huraanka u ah gudashada waajibaadkooda shaqo sidaas waxaa sheegay taliye ku xigeenka ciidamada Booliiska ee Galmudug G/sare Cabdi Jaamac Cabdule

Taliyaha qeybta Booliiska Gobalka Mudug G/sare Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa isna ku warbixiyay in ay jiraan ciidamo qaba dhaawacyo kusoo gaaray howlo shaqo isla markaana wax looga qaban waayay dalka gudihiisa, kuwaasoo u baahan in ay helaan daawayn caafimaad oo dalka dibadiisa ah waxaana uu ka codsaday taliska sare ee Ciidanka Booliiska Fedaraalka Soomaaliyeed in ay ka caawiyaan sidii ciidamadaasi u heli lahaayeen daryeelka caafimaad ay u baahan yihiin.

Warbixintaasi kadib ayaa waxaa Genaraal Bashiir Cabdi Maxamed uu sheegay in ujeedka socdaalkoodu uu yahay mid la xariira u kuurgalidda xaaladda Ciidanka Booliiska Fedaralka Soomaaliyed iyo sidii loo sii kordhin lahaa isku xirka iyo wadashaqeeynta Ciidanka Booliiska.

Gaalkacyo1Gaalkacyo11Gaalkacyo3Gaalkacyo4Gaalkacyo5Gaalkacyo6Gaalkacyo7Gaalkacyo8Gaalkacyo9Gaalkacyo10

Previous Post

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka oo maanta booqanaya dalka Turkiga

Next Post

Buundada weyn ee deeganka Tixsiile oo la dayactiray+SAWIRO

Next Post
Buundada weyn ee deeganka Tixsiile oo la dayactiray+SAWIRO

Buundada weyn ee deeganka Tixsiile oo la dayactiray+SAWIRO

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(St.Petersburg-Russia):-Soomaaliya ayaa sanadkan waxa ay ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka. Maareeyaha...

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka KGS oo kulamo la qaatay Waxgaradka iyo Odayaasha maamulkaasi

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka KGS oo kulamo la qaatay Waxgaradka iyo Odayaasha maamulkaasi

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa kulan la qaatay qaar ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada magaalada Baydhaba

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada magaalada Baydhaba

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaal Soomaaliye Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ,ayaa kulamo muhiim ah ka wada magaalada Baydhaba ee caasimadda kumeel...

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In