Thursday, June 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliiska Soomaliyeed oo kormeeray xarumaha Ciidanka Booliiska ee Magaalada Gaalkacyo.+SAWIRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 24, 2016
in Wararka
0
Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliiska Soomaliyeed oo kormeeray xarumaha Ciidanka Booliiska ee Magaalada Gaalkacyo.+SAWIRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

General Bashiir Cabdi Maxamed Taliye ku xigeenka labaad ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta kormeer uu ugu kurgalayo xaaladda Ciidanka Booliiska Galmudug ku tagay qaar ka mid ah xarumaha Ciidanka Booliiska ee Magaalada Gaalkacyo.

Generaal Bashiir Cabdi Maxamed ayaa intii uu guda jiray kormeerkiisa waxa uu warbixinno ku aadan xaalada ay ku shaqeeyaan Ciidanka Booliiska Galmudug ka dhagaystay saraakiisha Ciidanka Booliiska Galmudug, kuwaasi oo faah faahin guud ka siiyay xaaladaha shaqo ee  Ciidanka Booliska iyo doorka ay ka qaataan sugidda iyo adkeynta amaanka Magalada Gaalkacyo iyo guud ahaan deegaanada Galmudug,

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

June 18, 2025
Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

June 18, 2025

waxaana ay sheegeen in ay jirto dhibaatooyin la xariira agabyada ay u baahan yihiin in ay ku shaqeeyaan Ciidanka Booliiska Galmudug iyo waxyaabaha xilligaani lama huraanka u ah gudashada waajibaadkooda shaqo sidaas waxaa sheegay taliye ku xigeenka ciidamada Booliiska ee Galmudug G/sare Cabdi Jaamac Cabdule

Taliyaha qeybta Booliiska Gobalka Mudug G/sare Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa isna ku warbixiyay in ay jiraan ciidamo qaba dhaawacyo kusoo gaaray howlo shaqo isla markaana wax looga qaban waayay dalka gudihiisa, kuwaasoo u baahan in ay helaan daawayn caafimaad oo dalka dibadiisa ah waxaana uu ka codsaday taliska sare ee Ciidanka Booliiska Fedaraalka Soomaaliyeed in ay ka caawiyaan sidii ciidamadaasi u heli lahaayeen daryeelka caafimaad ay u baahan yihiin.

Warbixintaasi kadib ayaa waxaa Genaraal Bashiir Cabdi Maxamed uu sheegay in ujeedka socdaalkoodu uu yahay mid la xariira u kuurgalidda xaaladda Ciidanka Booliiska Fedaralka Soomaaliyed iyo sidii loo sii kordhin lahaa isku xirka iyo wadashaqeeynta Ciidanka Booliiska.

 

Gaalkacyo1Gaalkacyo11Gaalkacyo3Gaalkacyo4Gaalkacyo5Gaalkacyo6Gaalkacyo7Gaalkacyo8Gaalkacyo9Gaalkacyo10

Previous Post

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka oo maanta booqanaya dalka Turkiga

Next Post

Buundada weyn ee deeganka Tixsiile oo la dayactiray+SAWIRO

Next Post
Buundada weyn ee deeganka Tixsiile oo la dayactiray+SAWIRO

Buundada weyn ee deeganka Tixsiile oo la dayactiray+SAWIRO

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

June 18, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ka qeyb galay Shirka Gogosha...

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

June 18, 2025
0

Ugu yaraan 25 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaarijta ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay, kadib howlgal qorsheysan...

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

June 17, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in wada tashiga uu ka mid yahay tiirarka islaamka uu ku...

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

June 17, 2025
0

Cabaas Maxamed Hool, oo ahaa horjoogaha ugu sarreeya ee shirqoolada iyo dhagaraha ay khawaarijtu ka fuliyaan bobolka Banaadir iyo labada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In