Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya S/gaas.Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo ku sugan magaalada Garoowe ayaa maanta kormeeray xarumaha qaar kamid ah goobaha ay ka dhici doonto doorashada xubnaha golaha Shacabka BFS ee ka imaanaya Puntland.
Taliye waxaa kumeerkiisa ku wehlinayay taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska dowlad goboleedka Puntland Sareeyo guuto. Ceydiid Axmed Nuur, iyo sarakiil ka tirsan ciidanka Punland.
Waxa uu Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska kormeer ku tegay qaar kamid ah saldhigyada ciidanka Booliiska Puntland ay ku shaqeyaan, isla markaana saraakiisha maamulka ku amaanay sida wanaagsan ay shaqada u wadaan.
Kormeerkaan ayaa ujeedkiisu ahaa la socadka tayada ciidanka Booliiska iyo sidii loo xoojin lahaa amniga inta lagu guda jiro doorashooyinka dalka, maadaama Garoowe ay ka mid tahay meelaha lagu qabanayo doorashada xildhibaanada ee Baarlamaanka Soomaaliya.