Saturday, November 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tallaabada 1-aad ee dib u hanashada xuquuqdii iga luntay (Faallo)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 months ago
in Wararka
0
Tallaabada 1-aad ee dib u hanashada xuquuqdii iga luntay (Faallo)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaan ahay Aabbe Soomaaliyeed, da’dayduna waa afartan iyo wax ka badan. Waligay ma codayn, anna la iima codayn. Sidoo kale, Aabbahay iyo Hooyaday midkoodna ma codayn loomana codayn. Marka la eego dunida casriga ah, waa arrin adag in la rumaysto , sababtoo ah inta badan jiilka ila faca ah ilama qabaan xaaladaan.

 

Related posts

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

November 7, 2025

Tani waa qayb yar oo ka mid ah xaqii muwaadinnimo aan ku waayay dawlad-la’aantii ku dhacday dalkayga,

 

Maanta, markii ugu horreysay, waxaan isku diiwaangeliyay in aan noqdo cod bixiye, Waxa ugu horreeya ee aan dooran doono waa maamulayaasha Degmadeeyda insha Allah.

 

Aniga muhiimad iima lahan cidda guuleysaneysa ama ajande qof wato oo mid kale diidanyahay. Waxaase farxad weyn ii ah in aan dib u helay qayb yar oo ka mid ah xuquuqdayda muwaadinnimo oo iga maqnayd.

 

Tani waxay fure u tahay xuquuqo kale oo wali ka maqan muwaadiniinta aan ka midka ahay. Waxaan rajaynayaa in noloshu i siin doonto fursad aan ku helo xuquuqdaas maqan.

 

Waan hubaa kuma bilaabanayso sidii ugu fiicnayd balse waxaan kale oo aan hubaa in ay maalin aan dheerayn gaaridoonto sida ugu fiican Insha allaah, ( Safar Kun Mayl ah wuxuu ku bilawdaa hal talaabo).

 

Waxaan rajo weyn ka qabaa in aniga iyo ubadkayguba aan heli doonno fursad aan kaga qayb qaadanno maalintaas iftiinka leh, insha Allah.

 

Intaaan oo arrimood ayaa niyaddayda ku dhiirrigeliyay in aan is-diiwaangeliyo, anigoo ay iga hor muuqato humaag qurux badan oo ku gadaaman mustaqbalka na sugaya.

 

Is-diiwaangelintaydu waxay dad badan ula muuqan kartaa wax yar, balse kuma imaan si sahlan. Waa natiijada safar aad u dheer oo loosoo galay dib-u-soo-celinta dawladnimadii naga duntay.

 

Soo gaarsiinta heerkan fadligeeda waxaa leh dhammaan intii qayb ka qaadatay halgankaas, mudnaanta ugu weynna waxaan siinayaa madaxda Qaranka ee maanta haysa talada, kuwaas oo soo jiiray jidgooyooyin badan oo loo dhigay si aanay u suurtagalin is-diiwaangelinta ka socota Muqdisho maanta.

 

Fariinta aan u dirayo muwaadiniinta Soomaaliyeed:

 

Mudane/Marwo, is-diiwaangelintu waa bar bilowga xaqa codbixinta. Waxay kaa saareysaa in aad marti ka noqoto mustaqbalkaaga. Waxay ubadkaaga u furaysaa nolol ka wanaagsan tan aad adigu haysato. Waxay talada gacanta u gelinaysaa kuwa inoogu wanaagsan.

 

Marka, waqti haku lumin siyaasadda saacadlaha ah ee marba dhinac isu bedelaysa — hore u soco oo qaado doorkaaga muwaadinimo.

 

Ogow:

 

Ninka maanta diidan oo berri difaacaya waad arkaysaa, sidoo kale kuwa maanta difaacaya oo berri diidaya waad arkaysaa. Labadooduba eed ma leh, waana dabeecadda nolosha siyaasadda.

 

Haddaba muwaadin, adigu taada raac,

 

Is-diiwaangeli, kadibna codkaaga si xor ah ugu diid cidda aadan rabin, kuna dooro cidda aad aaminsan tahay.

 

W/Q:- Wasiir ku-xigeenka easaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala

Previous Post

GOLAHA WASIIRRADA HIRSHABEELLE OO KA SHIRAY DAGAALKA KHAWAARIJTA, SAAMEYNTA ROOBKA IYO BAAHINTA ADEEGA CAAFIMAAD

Next Post

Wasiirka shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS oo ka qayb galay shirweynaha hal-abuurnimada Afrika

Next Post
Wasiirka shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS oo ka qayb galay shirweynaha hal-abuurnimada Afrika

Wasiirka shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS oo ka qayb galay shirweynaha hal-abuurnimada Afrika

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
0

Turkiye ayaa maanta oo Jimco ah soo dhaweysay go’aanka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay,kaas oo liiska cunaqabateynta looga saaray Madaxweynaha...

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

November 7, 2025
0

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa kulan muhiim ah la qaatay dhigiisa Mudane Amiir Cabdulcasiis...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

November 6, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa masuuliyiinta kala duwan ee qeybaha hoos...

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, ayaa ku sugan dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb-galayo shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In