Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 22-aad ee Wareegga 2-aad ku tartamay Degmooyinka Buula-burte iyo Yaaqshiid oo ka kala tirsan Goballada Hiiraan iyo Benaadir. waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Tartameyaasha labada degmo ee Buula-burte iyo Yaaqshiid ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.
Buula-burte
Tartameyaasha Degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Shan su’aal, halka ay iska qaldeen Labo su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Hal Su’aal oo soo hareermartay dhigooda Yaaqshiid, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Buula-burte waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.
Yaaqshiid
Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Yaaqshiid waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.
Hadaba kulankii 22-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Saddexaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi, maadaama ujeedka tartanka uu yahay in lagu tartamo cilmi iyo Aqoon.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 22-aad ee tartanka, waxaa ku loolami doona Degmooyinka Diinsoor iyo Hodan oo ka kala tirsan Gobollada Baay iyo Benaadir.

Sawir qaade;-Ciise Mukhtaar










