Thursday, August 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tartamayaasha degmada Baydhabo oo caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Tartamayaasha degmada Baydhabo oo caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV uuna taaba gelineyo sanadkii labaad Maamulka Gobolka Benaadir ayaa waxaa caawa tartan aad u xiiso badan oo ka tirsan wareegga labaad ee tartanka ku dhexmaray degmooyinka Gaalkacyo  iyo Baydhabo oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Baay, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.

Sida uu xeerka tartanka qabo marka degmo walibo la weydiiyo min afar su’aal waxaa xalay dhextaal u ahaa isbarashada degmooyinka, iyadoo tartamayaasha labada degmo ay ka sheekeeyeen taariikhda ay leeyihiin degmooyinka Gaalkacyo  iyo Baydhabo iyo sidoo kale waxyaabaha ay caanka ku yihiin oo ay ku cabireen hab suugeed.

Related posts

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

August 6, 2026
𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

August 6, 2026

Natiijada tartankii dhexmaray caawa tartamayaasha degmooyinka Gaalkacyo iyo Baydhabo  waxey noqotay sidan, iyadoo tartankii caawa uu ahaa kii ugu xiisaha badnaa ee la qabto inta uu tartanku bilowday:-

Gaalkacyo

Tartamayaasha Degmada Gaalkacyo sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Su’aal, waxaana su’aallihii la weydiiyey ay ka jawaabeen saddex su’aal oo waxa ay iska qaldeen afar su’aal,  halka ay ka faa’iideysteen saddex su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Baydhabo, waxayna wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Gaalkacyo ay heleen noqoneysaa 12 dhibcood (Labo iyo Toban dhibcood).

Baydhabo

Tartamayaasha Degmada Baydho waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Su’aal,  su’aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen afar su’aal,  halka ay iska qaldeen saddex su’aal,  Waxa ay ka faa’iideysi u heleen labo su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Gaalkacyo, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Baydhabo ka dhigeysaa inay heleen 12 dhibcood (Labo iyo Toban dhibcood).

Sida uu ku dhawaaqay guddiga tartan cilmiyeedka, maadaama tartamayaashu ay isku mari waayeen su’aalihii todobada ahaa ee la weydiiyay, waxaana loogu daray su’aalo dheeraad ah, si loo kala saaro labada degmo, waxaana su’aalihii dheeraadka ah lagu diray la weydiiyay deg waliba min saddex su’aal, waxaana tartamayaasha degmada Gaalkacyo ay iska qasaariyeen su’aashii saddexaad ee la weydiiyay, inkasta oo aysan fursadaasi ka faa’iideysan tartamayaasha Baydhabo, balse waxa ay si sax ah uga jawaabeen su’aashii dhankooda ahayd ee la waydiiyay, taasi oo u suurta gelisay inay helaan labo dhibcood.

Tartamayaasha degmada Baydhabo ayaa waxa ay caawa la timid 18-dhibcood, oo 12-ka mi ay horey ula yimaadeen, halka lixda kale ay ka keensadeen su’aalihii kala baxa ahaa ee la weydiiyay, halka tartamayaasha degmada Gaalkacyo ay la yimaadeen 16-dhibcood

Hadaba kulankii 14aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareega saddexaad u soo gudbay tartamayaasha degmada Baydhabo ee gobolka Baay, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 15aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Boondheere iyo Warta Nabadda oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, iyadoo ciddii soo badisa ay wareegga saddexaad isku arki doonaan tartamayaasha degmada Baydhabo oo caawa u soo gudbay wareegaasi.

IMG_3664 IMG_3665 IMG_3667 IMG_3669 IMG_3670 IMG_3672 IMG_3673 IMG_3674 IMG_3676 IMG_3677 IMG_3678 IMG_3681 IMG_3682 IMG_3685 IMG_3686 IMG_3687 IMG_3692 IMG_3693

Previous Post

Olole Nadaafadeed oo Ka Bilowday Xaafada Islii “Sawirro”

Next Post

Ololihii ugu dambeeyay ee musharaxiinta u taagan madaxtinimada maamulka Galmudug oo ka socda Cadaado

Next Post
Ololihii ugu dambeeyay ee musharaxiinta u taagan madaxtinimada maamulka Galmudug oo ka socda Cadaado

Ololihii ugu dambeeyay ee musharaxiinta u taagan madaxtinimada maamulka Galmudug oo ka socda Cadaado

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

August 6, 2026
0

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur Siyaasadeedka JSP Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa caawa munaasabad weyn oo lagu qabtay magaalada...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

August 6, 2026
0

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyay dhammaan xubnaha magacaabista ku imaanaya ee ka mid noqonaya...

Golaha Wasiirrada XFS oo sixid ku sameeyay magacaabis hore

Golaha Wasiirrada XFS oo sixid ku sameeyay magacaabis hore

August 6, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeed, dhagaystayna warbixino muhiim ah, sidoo kalena sixid ku sameeyay magacaabis hore.

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS Soomaaliya oo  kulan la yeeshay Boqorka Urdun Cabdalla II

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS Soomaaliya oo kulan la yeeshay Boqorka Urdun Cabdalla II

August 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Abdisalam Ali (Dhaay), ayaa isaga iyo Wasiirrada Arrimaha Dibadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In