Sunday, December 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tartamayaasha degmada Baydhabo oo caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Tartamayaasha degmada Baydhabo oo caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV uuna taaba gelineyo sanadkii labaad Maamulka Gobolka Benaadir ayaa waxaa caawa tartan aad u xiiso badan oo ka tirsan wareegga labaad ee tartanka ku dhexmaray degmooyinka Gaalkacyo  iyo Baydhabo oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Baay, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.

Sida uu xeerka tartanka qabo marka degmo walibo la weydiiyo min afar su’aal waxaa xalay dhextaal u ahaa isbarashada degmooyinka, iyadoo tartamayaasha labada degmo ay ka sheekeeyeen taariikhda ay leeyihiin degmooyinka Gaalkacyo  iyo Baydhabo iyo sidoo kale waxyaabaha ay caanka ku yihiin oo ay ku cabireen hab suugeed.

Related posts

R/W Xamsa “Ciidanka Qalabka Sida waa inay si deg deg ah uga qeybqaataan gurmadka dadka nugul”

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Wasiiro cusub

December 13, 2025
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay u-qaabilsanaha milatariga ee Safaaradda Talyaaniga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay u-qaabilsanaha milatariga ee Safaaradda Talyaaniga

December 13, 2025

Natiijada tartankii dhexmaray caawa tartamayaasha degmooyinka Gaalkacyo iyo Baydhabo  waxey noqotay sidan, iyadoo tartankii caawa uu ahaa kii ugu xiisaha badnaa ee la qabto inta uu tartanku bilowday:-

Gaalkacyo

Tartamayaasha Degmada Gaalkacyo sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Su’aal, waxaana su’aallihii la weydiiyey ay ka jawaabeen saddex su’aal oo waxa ay iska qaldeen afar su’aal,  halka ay ka faa’iideysteen saddex su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Baydhabo, waxayna wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Gaalkacyo ay heleen noqoneysaa 12 dhibcood (Labo iyo Toban dhibcood).

Baydhabo

Tartamayaasha Degmada Baydho waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Su’aal,  su’aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen afar su’aal,  halka ay iska qaldeen saddex su’aal,  Waxa ay ka faa’iideysi u heleen labo su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Gaalkacyo, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Baydhabo ka dhigeysaa inay heleen 12 dhibcood (Labo iyo Toban dhibcood).

Sida uu ku dhawaaqay guddiga tartan cilmiyeedka, maadaama tartamayaashu ay isku mari waayeen su’aalihii todobada ahaa ee la weydiiyay, waxaana loogu daray su’aalo dheeraad ah, si loo kala saaro labada degmo, waxaana su’aalihii dheeraadka ah lagu diray la weydiiyay deg waliba min saddex su’aal, waxaana tartamayaasha degmada Gaalkacyo ay iska qasaariyeen su’aashii saddexaad ee la weydiiyay, inkasta oo aysan fursadaasi ka faa’iideysan tartamayaasha Baydhabo, balse waxa ay si sax ah uga jawaabeen su’aashii dhankooda ahayd ee la waydiiyay, taasi oo u suurta gelisay inay helaan labo dhibcood.

Tartamayaasha degmada Baydhabo ayaa waxa ay caawa la timid 18-dhibcood, oo 12-ka mi ay horey ula yimaadeen, halka lixda kale ay ka keensadeen su’aalihii kala baxa ahaa ee la weydiiyay, halka tartamayaasha degmada Gaalkacyo ay la yimaadeen 16-dhibcood

Hadaba kulankii 14aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareega saddexaad u soo gudbay tartamayaasha degmada Baydhabo ee gobolka Baay, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 15aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Boondheere iyo Warta Nabadda oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, iyadoo ciddii soo badisa ay wareegga saddexaad isku arki doonaan tartamayaasha degmada Baydhabo oo caawa u soo gudbay wareegaasi.

IMG_3664 IMG_3665 IMG_3667 IMG_3669 IMG_3670 IMG_3672 IMG_3673 IMG_3674 IMG_3676 IMG_3677 IMG_3678 IMG_3681 IMG_3682 IMG_3685 IMG_3686 IMG_3687 IMG_3692 IMG_3693

Previous Post

Olole Nadaafadeed oo Ka Bilowday Xaafada Islii “Sawirro”

Next Post

Ololihii ugu dambeeyay ee musharaxiinta u taagan madaxtinimada maamulka Galmudug oo ka socda Cadaado

Next Post
Ololihii ugu dambeeyay ee musharaxiinta u taagan madaxtinimada maamulka Galmudug oo ka socda Cadaado

Ololihii ugu dambeeyay ee musharaxiinta u taagan madaxtinimada maamulka Galmudug oo ka socda Cadaado

R/W Xamsa “Ciidanka Qalabka Sida waa inay si deg deg ah uga qeybqaataan gurmadka dadka nugul”

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Wasiiro cusub

December 13, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay xubno cusub oo ka mid noqon doona...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay u-qaabilsanaha milatariga ee Safaaradda Talyaaniga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay u-qaabilsanaha milatariga ee Safaaradda Talyaaniga

December 13, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay u-qaabilsanaha cusub arrimaha milatariga ee Safaaradda Talyaaniga,...

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta qaatay Kaarka Cod-bixinta ee Guddiga Madaxa Bannaan...

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa magaalada Abu Dubai kulama...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In