Tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV uuna taaba gelineyo sanadkii labaad Maamulka Gobolka Benaadir ayaa waxaa caawa tartan aad u xiiso badan oo ka tirsan wareegga labaad ee tartanka ku dhexmaray degmooyinka Gaalkacyo ย iyo Baydhabo oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Baay, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.
Sida uu xeerka tartanka qabo marka degmo walibo la weydiiyo min afar suโaal waxaa xalay dhextaal u ahaa isbarashada degmooyinka, iyadoo tartamayaasha labada degmo ay ka sheekeeyeen taariikhda ay leeyihiin degmooyinka Gaalkacyoย ย iyo Baydhabo iyo sidoo kale waxyaabaha ay caanka ku yihiin oo ay ku cabireen hab suugeed.
Natiijada tartankii dhexmaray caawaย tartamayaasha degmooyinka Gaalkacyo iyo Baydhabo ย waxey noqotay sidan, iyadoo tartankii caawa uu ahaa kii ugu xiisaha badnaa ee la qabto inta uu tartanku bilowday:-
Gaalkacyo
Tartamayaasha Degmada Gaalkacyo sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Suโaal, waxaana suโaallihii la weydiiyey ay ka jawaabeen saddex suโaal oo waxa ay iska qaldeen afar suโaal,ย halka ay ka faaโiideysteen saddex suโaal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Baydhabo, waxayna wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Gaalkacyo ay heleen noqoneysaaย 12ย dhibcood (Labo iyo Toban dhibcood).
Baydhabo
Tartamayaasha Degmada Baydho waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Suโaal,ย suโaallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen afar suโaal,ย halka ay iska qaldeen saddex suโaal,ย Waxa ay ka faaโiideysi u heleen labo suโaal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Gaalkacyo, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Baydhabo ka dhigeysaa inay heleen 12 dhibcood (Labo iyo Toban dhibcood).
Sida uu ku dhawaaqay guddiga tartan cilmiyeedka, maadaama tartamayaashu ay isku mari waayeen suโaalihii todobada ahaa ee la weydiiyay, waxaana loogu daray su’aalo dheeraad ah,ย si loo kala saaro labada degmo, waxaana su’aalihii dheeraadka ah lagu diray la weydiiyay deg waliba min saddex su’aal, waxaana tartamayaasha degmada Gaalkacyo ay iska qasaariyeen su’aashii saddexaad ee la weydiiyay, inkasta oo aysan fursadaasi ka faa’iideysan tartamayaasha Baydhabo, balse waxa ay si sax ah uga jawaabeen su’aashii dhankooda ahayd ee la waydiiyay, taasi oo u suurta gelisay inay helaan labo dhibcood.
Tartamayaasha degmada Baydhabo ayaa waxa ay caawa la timid 18-dhibcood, oo 12-ka mi ay horey ula yimaadeen, halka lixda kale ay ka keensadeen su’aalihii kala baxa ahaa ee la weydiiyay, halka tartamayaasha degmada Gaalkacyo ay la yimaadeen 16-dhibcood
Hadaba kulankii 14aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareega saddexaad u soo gudbay tartamayaasha degmada Baydhaboย ee gobolka Baay, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe oo ah habeenka 15aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Boondheere iyo Warta Nabadda oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, iyadoo ciddii soo badisa ay wareegga saddexaad isku arki doonaan tartamayaasha degmada Baydhaboย oo caawa u soo gudbay wareegaasi.