Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Olole Nadaafadeed oo Ka Bilowday Xaafada Islii “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 2, 2015
in Wararka
0
Olole Nadaafadeed oo Ka Bilowday Xaafada Islii “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xili dhawaan shacabka ku dhaqan Xaafada ay soomalidu degto ee islii ay isugu soo baxeen dibad bax ay kaga cabanayeen nadafad darro baahsan oo ka jirta degmada KamuKunji,dhaliilana ay u soo jeediyeen dowlada hoose ee Naiorbi ayaa waxaa maanta xaafada islii ka bilowday olole nadaafadeed oo lagu soo celinayo bilicda xaafada islii ee magalada nairobi.

Ololahani nadaafadeed oo dowlada hoose ee Nairobi ay ka fulinaysay xaafada islii ayaa waxaa ka qeyb qaadanayay ganacsatada iyo shacabka ku dhaqan xaafada islii,iyadoo la arkayay gaadiid ka qeyb qaadanayay ololahan nadaafadeed.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Xubno ka tirsan gudiga ganacsatada iyo mas’uuliyiinta degmada Kamukunji oo horkacayay ololahan nadafadeed ayaa waxay ka warbixiyeen ololaha nadaafadeed ee lagu soo celinayo bilicda xaafada Islii.

“Sabtigii markan mudaharadnay isniintii shirbaa naloogu yeeray,waxaa noo yeeray gudoomiyaha gobolka Nairobi Evans Kidero,wuxuna noo balan qaaday in xaafada si weyn loo nadiifin doono,lana keeni doono labo baabuur oo xaafada si toos ah uga shaqeyn doonto,dadka qashinka ku daadinayana talaabo weyn laga qaado”Ayuu yiri Axmed Security oo kamid ahaa mas’uuliyiintii goobta ka hadashay.

“Anaguna waxay naga codsadeen hadan nahay Gudiga ganacsatada inan dadkeena wacyi gelino meelaha loogu talo galayna ay qashinka geeyaan,dhalinyarada lacagta yar la siinayo oo qashinka loo dhiibayo la joojiyo,buubuur ay keenaan qashinka lagu qaado intii loo dhiibi lahaa dhalinyaro aan meel dheer gaarsiineyn”Ayuu yiri Cumar Axmed oo ka tirsan gudiga ganacsatada ee xaafada Islii.

“Maanta waxay muujiyeen soomalidu inay u soo jeesteen nadiifinta xaafadoda,waana farxad aad u weyn marka waxan ku gubaabinayaa in horta laga fikiro sidii loo hubin lahaa in qashinkan uu qof waliba ka qaadayo gurigiisa oo uu lacagta ku bixinayo loo geyn lahaa meeshiii loogu talo galay in la geeyo”Ayuu yiri Xuseen Aar oo ka tirsan mas’uuliyiinta gudiga ganacsatada ee xaafada Islii.

Wasiirka Deegaanka iyo Tamarta ee dowlada hoose ee Nairobi mr Odiek ayaa intii uu socday ololaha nadaafadeed waxa uu soo gaaray goobaha ay ka socdeen howlaha nadaafada ee xaafada islii,isagoo xarunta dowlada hoose ee xaafada islii kulan kula qaatay shaqalaha ka shaqeeya nadaafada,waxana uu kala hadlay sidii ay u xoojin lahaayeen nadafada iyo soo celinta bilicda xaafada islii.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14

Previous Post

Golaha Wasiirada oo ka hadlay maalgeshiga iyo arrimaha Internet-ka

Next Post

Tartamayaasha degmada Baydhabo oo caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha degmada Baydhabo oo caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha degmada Baydhabo oo caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka "SAWIRRO"

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In