Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii saddex iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 14-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Boondheere iyo Aadan yabaal oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Tartameyaasha labada degmo ee Boondheere iyo Aadan yabaal ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.
Boondheere
Tartameyaasha Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Lix su’aal, halka ay iska qaldeen Hal su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay Tartamaayasha Aadan yabaal, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Boondheere ay heleen waxay noqotay Afar iyo Toban (14) dhibcood.
Aadan yabaal
Tartamayaasha Degmada Aadan yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Lix su’aal, iyagoo iska qalday Hal su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen dhankooda, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Aadan yabaal waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.
Hadaba kulankii 14-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Barnaamijka sanadkan oo lagu soo kordhiyay su’aalo la weydiinayo dhageystayaasha iyo daawadayaasha ku taxan tartanka marka la gaaro qeybta dhextaalka ayaa caawa su’aashii dadweynaha la weydiiyay oo dul saarneyd 30$ ka jawaabay Maxamed Xasan oo jooga Warta-Nabadda, kaasi oo ku guuleystay 30$ dollar oo abaalmarin ah oo ay bixineyso Bankiga IBS.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 15-aad ee tartanka waxaa ku tartami doona degmooyinka Marka iyo Xamar Jajab oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Banaadir.
Sawir qaade: Khadar Cali Nuur