Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV, uuna taaba gelineyo sanadkii saddexaad oo xiriir ah Maamulka Gobolka Benaadir ayaa caawa kaalinta 3aad tartan aad u xiiso badan ku dhexmaray degmooyinka Boosaaso Vs Kismaayo oo ka kala tirsan Gobollada Bari iyo Jubbada Hoose, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.
Tartanka oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa tartamayaasha labada degmo waxa ay muujiyeen tartan wanaag oo ku dhisan aqlaaq iyo aqoon.
Natiijada tartankii dhexmaray xalay tartamayaasha degmooyinka Boosaaso iyo Kismaayo waxey noqotay sidan:-
Boosaaso
Tartamayaasha Degmada Boosaaso sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Su’aal, waxaana su’aallihii la weydiiyey ay ka jawaabeen Saddex su’aal oo waxa ay iska qaldeen afar, waxa ay si ka faa’ideysi ah u heleen labo su’aal oo soo hareer martay Kismaayo, wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Boosaaso ay heleen noqoneysaa 10 dhibcood (Toban dhibcood).
Kismaayo
Tartamayaasha Degmada Kismaayo waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Su’aal, su’aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen Labo su’aal, halka ay iska qaldeen shan su’aal, mana jirin wax ka faa,iideysi ah, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Kismaayo ka dhigeysaa inay heleen 4 dhibcood (Afar dhibcood).
Tartamayasha degmada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa caawa u soo gudubtay kaalinta saddexaad, iyadoo tartamayaasha labada degmo ay isugu hambalyeeyeen guusha iyo dadaalka ay muujiyeen
Habeen dambe waxaa wada tartami doona degmooyinka Warta Nabadda iyo Yaaqshiid oo ku loolamaya kulanka ugu dambeeya ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka.
Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir