Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 13-aad ee wareegga 1aad ku tartamay Degmooyinka Buula-burte iyo Garoowe oo ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Nugaal, waxaana barnaamijka sanadkii 2aad oo xiriir ah taaba-gelineya
Tartameyaasha labada degmo ee Buula-burte iyo Garoowe ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.
Buula-burte
Tartameyaasha Degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Lix su’aal, halka ay iska qaldeen Hal su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Saddex su’aal oo soo hareermartay Tartamaayasha Garoowe. sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Buula-burte ay heleen waxay noqotay Sideed iyo Toban (18) dhibcood oo kaliya.
Garoowe
Tartamayaasha Degmada Garoowe ee Gobolka Nigaal waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen Garoowe, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Garoowe waxay noqotay Lix (6) dhibcood.
Hadaba kulankii 13-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 14-aad ee tartanka, waxaana ku tartami doona degmooyinka Xudur iyo Kaaraan oo ka kala tirsan Gobollada Bakool iyo Banaadir.
Sawir Qaade:- Sakariye Shiddo