Friday, July 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Tartamayaasha Degmada C/casiis oo caawa u soo gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 17, 2017
in Keyd Hore, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada C/casiis oo caawa u soo gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lixaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii kow iyo labaatanaad oo ah wareegga labaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka C/casiis VS Baydhabo oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Bay, waxaana barnaamijka sanadkii afaraad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee C/casiis VS Baydhabo ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon, waxaana sida sharciga qabo marka labada degmo la weydiiyo min afar su’aal la guda galay isbarashada degmooyinka iyo waxyaabaha ay degmo kasta caan ku tahay oo maqal iyo muuqaalba leh.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025

C/casiis

Tartameyaasha Degmada C/casiis ee gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen hal su’aal oo qura, waxaana ay iska qaldeen lix su’aal, waxaa ay si ka Faa’ideysi ah u heleen saddex su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Baydhabo, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada C/casiis ay heleen waxay noqoneysaa sideed (8) dhibcood.

Baydbabo

Tartamayaasha Degmada Baydhabo ee gobolka Bay waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, ma jirin hal su’aall oo ay ka jawaabeen, balse waxa ay si ka faa’iideysi ah u heleen labo su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada C/casiis, waxaana wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha degmada Baydhabo ay noqotay afar (4) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada C/casiis ee gobolka Benaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka oo habeen dambe si rasmi ah u bilaabanaya Insha Allah.

Hadaba Habeen dambe hadii uu Alle idmo Barnaamijka waxaa ku tartami doona tartamayaasha Degmooyinka Warta Nabadda Vs Shangaani oo ka wada tirsan Gobolka Benaadir, waxaana uu noqonayaa kulanka koowaad ee wareegga saddexaad ee tartanka.

 

 

     

Sawir Qaade:- Axmed Nuuradiin

Previous Post

Kooxda Marshaale oo u soo gudubtay wareegga afar dhamaadka

Next Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre”Haddii dalkeena uu xasilo Dadkeena waxa uu la tartami doonaa aduunyadda kale”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Kheyre “Waxaan fureynaa sanduuq lacago qaaraan ah loogu aruurinayo ciidamada qalabka sida”

Ra'iisul Wasaare Kheyre"Haddii dalkeena uu xasilo Dadkeena waxa uu la tartami doonaa aduunyadda kale"

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Turkiga Soomaaliya u jooga Mudane Alper...

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025
0

Maxamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Guutada 23-aad...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay abaarta ka jirta Gobalka Awdal

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle “Xaalada abaarta gobolka Awdal si gaar ah ayaa ula socnay, waxaana ka dowlad...

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In