Saturday, July 2, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Tartamayaasha Degmada Dhahar oo caawa laga reebay tartan cilmiyeedka Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka “Sawirro+dhageyso”

June 7, 2016
in Keyd Hore, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Dhahar oo caawa laga reebay tartan cilmiyeedka Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka “Sawirro+dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lixaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayay Telefishinka Qaranka, lagana dhageystay Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii ugu horeysay ku tartamay tartameyaasha degmooyinka Dhahar VS Yaaqshiid oo ka kala tirsan gobollada Sanaag iyo Benaadir, ayadoo barnaamijkana ay sanadkan taabagelineyso Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Dhahar VS Yaaqshiid ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon, waxaana sida sharciga qabo marka labada degmo la weydiiyo min afar su’aal la guda galay isbarashada degmooyinka iyo waxyaabaha ay degmo kasta caan ku tahay, waxaana guddoomiye ku-xigeenka tartan aqooneedka Bisha Ramadaan Mustaf Maxamed Axmed Warcadeeye uu degmo weliba weydiiyay waxa ay caanka ku yihiin.

Dhahar

Tartameyaasha degmada Dhahar ee gobolka Sanaag waxaa la weydiiyey todobo Su’aal waxaana ay si sax ah uga jawaabeen saddex ka mid ah. afar su’aalloodna jawaabahooda ma aysan haleelin, wax ka faa’iideysi ahna ma jirin oo ay heleen tartamayaasha degmada Dhahar, ayadoo wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha degmada Dhahar heleen ay noqotay lix Dhibcood.

Yaaqshiid

Iyana dhankooda tartamayaasha degmada Yaaqshiid todobo su’aal ee la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen shan ka mid ah, labo su’aalna jawaabteeda ma aysan haleelin, si ka faa’ideysi ahna waxey uga jawaabeen hal su’aal oo soo hareer martay tartameyaasha degmada Dhahar, waxaana wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha degmada Yaaqshiid ay noqdeen 12 Dhibcood oo ay ku badiyeen, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye ku-xigeenka tartan cilmiyeedka Musftaf Maxamed Axmed Warcadeeye oo amaan u jeediyay tartamayaasha labada degmo.

Habeen dambe oo ah habeenka labaad ee tartan cilmiyeedka hadii uu Alle idmo barnaamijka waxaa ku tartami doona tartamayaasha degmooyinka Baydhabo VS Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Baay iyo Shabeelaha Hoose.

Halkan ka dhageyso tartanka

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2016/06/Tartanka-Caawa-06.06.2016-ok-1.mp3 http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2016/06/Tartanka-Caawa-06.06.2016-ok-2.mp3

 

 

Related posts

Israa’iil oo duqeeymo ka geeysatay Suuriya

Israa’iil oo duqeeymo ka geeysatay Suuriya

July 2, 2022
Safaaradda Soomaliya ee Kuwait oo u dabaal degtayToddobaadka Xoriyadda dalka

Safaaradda Soomaliya ee Kuwait oo u dabaal degtayToddobaadka Xoriyadda dalka

July 2, 2022

DSC04701 DSC04713 DSC04718 DSC04731 DSC04733 DSC04735 DSC04742 DSC04749 DSC04753 DSC04762 DSC04764 DSC04765

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir 

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Next Post

Mareykanka oo cambaareeyay dilkii AUN wariye Sagal Salaad Cismaan

Next Post
Mareykanka oo cambaareeyay dilkii AUN wariye Sagal Salaad Cismaan

Mareykanka oo cambaareeyay dilkii AUN wariye Sagal Salaad Cismaan

Israa’iil oo duqeeymo ka geeysatay Suuriya

Israa’iil oo duqeeymo ka geeysatay Suuriya

July 2, 2022
0

Suuriya ayaa Israa'iil ku eedeeysay in saakay ay ku soo qaaday weerar gardarra ah oo dhanka cirka ah, kaasi oo...

Safaaradda Soomaliya ee Kuwait oo u dabaal degtayToddobaadka Xoriyadda dalka

Safaaradda Soomaliya ee Kuwait oo u dabaal degtayToddobaadka Xoriyadda dalka

July 2, 2022
0

Munaasabad lagu xusayay maalmaha xoriyadda, Midowgii gobolada Waqooyi iyo Koonfur ayaa xalay lagu qabtay dalka Kuwait, xafladan oo ay iska...

Dhul gariir xooggan oo ka dhacay koonfurta Iiraan

Dhul gariir xooggan oo ka dhacay koonfurta Iiraan

July 2, 2022
0

Dad gaaraya Shan ruux ayaa dhintay, halka 19 kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii Subaxnimadi hore ee saakay uu dhul...

QM oo War kasoo saartay Abaaraha kajira qeybo kamid ah Sooomaaliya

Tirada dadka ku barakacay abaarta geeska Afrika oo la shaaciyay

July 2, 2022
0

Guud ahaan Geeska Afrika, laga soo bilaabo waqooyiga Kenya ilaa bariga Itoobiya iyo inta badan Soomaaliya, abaaro ba’an ayaa ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In