Friday, August 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Tartamayaasha Degmada Gaalkacyo oo caawa u soo gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
AMISOM welcomes the decision by the Governments of Somalia, Kenya and Ethiopia to investigate Plane crash incident in Bardale, Somalia
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii sagaalaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa Kow iyo Tobnaad oo ah wareegga koowaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Gaalkacyo Vs Howlwadaag oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii todobaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Gaalkacyo Vs Howlwadaag ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac.

Related posts

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

August 20, 2026
Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

August 20, 2026

Gaalkacyo

Tartameyaasha Degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, waxaana ay iska qaldeen Labo su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Saddex su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Howlwadaag, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Gaalkacyo ay heleen waxay noqotay lix iyo toban (16) dhibcood.

Howlwadaag

Tartamayaasha Degmada Howlwadaag ee Gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Howlwadaag waxay noqotay Lix (6) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka Labo iyo tobnaad ee tartanka, waxaa foodda is dari doono, tartamaayasha degmooyinka Waaberi Vs Xudur oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Bakool.

Previous Post

AMISOM welcomes the decision by the Governments of Somalia, Kenya and Ethiopia to investigate Plane crash incident in Bardale, Somalia

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhegeyso: Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

August 20, 2026
0

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS ahna ergayga u qaabilsan Soomaaliya Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC), Mudane...

Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

August 20, 2026
0

Maareeye Ku-xigeenka Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Mudane Cabdiraxmaan Saciid ayaa ka qaybgalay Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Ka Qaybqaadanaysa diyaarinta Warbixinta Waxqabadka Qaranka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Ka Qaybqaadanaysa diyaarinta Warbixinta Waxqabadka Qaranka

August 20, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS Mudane Hamza Haadoow, ayaa maanta kormeer ku...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

August 20, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa khudbad uu uga hadlayay horumarka Warbaahinta ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In