Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka, Warka ugu Weyn
0
Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 16-aad ee wareegga 2aad ku tartamay degmooyinka Xamar Jajab iyo Kismaayo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Jubbada Hoose, waxaana barnaamijka sanadkii 2aad oo xiriir ah taaba-gelineya Bangiga IBS.

Tartameyaasha labada degmo ee Xamar Jajab iyo Kismaayo  ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Xamar Jajab

Tartameyaasha Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afar su’aal,  Waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay Tartamaayasha Kismaayo.  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xamar Jajab ay heleen waxay noqotay Sideed (8) dhibcood.

Kismaayo

Tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Saddex su’aal oo soo hareermartay Tartamaayasha Xamar Jajab,   sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kismaayo waxay noqotay Lix iyo Toban (16) dhibcood.

Hadaba kulankii 16-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga 3aad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Sawir Qaade:- Sakariye Shiddo

Previous Post

Xuska Maalinta dhir beerista Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Tartamayaasha Degmada Kaxda oo caawa u gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Kaxda oo caawa u gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Kaxda oo caawa u gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In