Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartanka Ramadaan

Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo u soo gudbay wareegga ugu dambeeya ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 12, 2018
in Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo u soo gudbay wareegga ugu dambeeya ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulanka lix iyo labaatanaad oo ah wareegga afar dhamaadka ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Shibis Vs Kismaayo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Jubbada Hoose, waxaana barnaamijka sanadkii shanaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Tartameyaasha labada degmo ee Shibis Vs Kismaayo ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Shibis

Tartameyaasha Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen afar su’aal, halka ay iska qaldeen saddex su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen. sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Shibis ay heleen waxay noqotay labo (2) dhibcood.

Kismaayo

Tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen shan  su’aal, iyagoo iska qalday labo su’aal, waxana ay ka faa’iideysteen hal su’al oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Shibis, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kismaayo waxay noqotay labo iyo toban (12) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa caawa u soo gudbay wareegga ugu dambeeya ee tartanka, halka tartamayaasha Degamda Shibis laga ciribtiray tartanka.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka sideed iyo labaatanaad ee tartanka, waxaa kaalinta saddexaad ku tartami doono tartamaayasha degmooyinka Hodan Vs Shibis oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

 

Sawir Qaade:- Qadar Cali Nuur

Previous Post

Shirka Sanadlaha Ee Xirirka Qarada Afrika Oo Ka Dhacay Dalka Ruushka Iyo Xirirka Kubada Cagta Soomaaliya Oo Qayb Weyn Ka Qaatay

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho 12-6-2018

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho  12-6-2018

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho 12-6-2018

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In