Wednesday, February 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Tartamayaasha degmada Xamar Jajab oo tartanka caawa laga reebay “SAWIRRO+DHAGEYSO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Keyd Hore, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha degmada Xamar Jajab oo tartanka caawa laga reebay “SAWIRRO+DHAGEYSO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV, uuna taaba gelineyo sanadkii saddexaad oo is xiga Maamulka Gobolka Benaadir ayaa waxaa caawa tartan aad u xiiso badan ku dhexmaray degmooyinka Xamar Jajab Vs Boondheere oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.

Sida uu xeerka tartanka qabo marka degmo walibo la weydiiyo min afar su’aal waxaa caawa dhextaal u ahaa isbarashada degmooyinka, iyadoo tartamayaasha labada degmo ay ka sheekeeyeen taariikhda ay leeyihiin degmooyinka Xamar Jajab iyo Boondheere  iyo waxyaabaha ay caanka ku yihiin.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay mas’uuliyiin ka socday NIS Foundation

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay mas’uuliyiin ka socday NIS Foundation

February 4, 2026
Danjire Yuusuf Jeego oo ka qeybgalay kulan muhiim ah

Danjire Yuusuf Jeego oo ka qeybgalay kulan muhiim ah

February 4, 2026

Natiijada tartankii dhexmaray caawa tartamayaasha degmooyinka Xamar Jajab iyo Boondheere waxey noqotay sidan:-

Xamar Jajab

Tartamayaasha Degmada Xamar Jajab sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Su’aal, waxaana su’aallihii la weydiiyey ay ka jawaabeen Hal su’aal oo waxa ay iska qaldeen 6 su’aal,  mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen tartamayaasha degmada Xamar Jajab, waxayna wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Xamar Jajab ay heleen noqoneysaa 2 dhibcood (Labo dhibcood).

Boondheere

Tartamayaasha Degmada Boondheere waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Su’aal,  su’aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal,  halka ay iska qaldeen Saddex u’aal, waxa ay si ka faa’iideysi ah u heleen Hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha degmada Xamar Jajab, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Boondheere ka dhigeysaa inay heleen 10 dhibcood (toban dhibcood).

Hadaba kulankii 9aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareega xiga u soo gudbay tartamayaasha degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi,

Habeen dambe oo ah habeenka 10aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Garbahaareey iyo Deyniile oo ka kala tirsan gobollada Gedo iyo Benaadir.

Halkan ka dhageyso 

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2016/06/Qeybta-koowad-ee-tartanka-14.06.2016.mp3 http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2016/06/Qeybta-Labaad-e-tartanka-14.06.2016.mp3

 

 

DSC05221 DSC05228 DSC05231 DSC05232 DSC05234 DSC05235 DSC05237 DSC05239 DSC05242 DSC05244 DSC05245 DSC05246 DSC05247 DSC05248 DSC05249 DSC05250 DSC05251 DSC05254 DSC05256 DSC05260 DSC05263 DSC05264 DSC05265 DSC05266 DSC05267 DSC05268 DSC05270 DSC05275 DSC05278

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir 

Previous Post

Tartanka isboortiga gobollada dalka oo lagu qaban doono Muqdisho

Next Post

WFP “Muhiimaddeenna koowaad waa xaqiijinta tayada iyo bad qabka caawinaadda aan bixino”

Next Post
WFP “Muhiimaddeenna koowaad waa xaqiijinta tayada iyo bad qabka caawinaadda aan bixino”

WFP "Muhiimaddeenna koowaad waa xaqiijinta tayada iyo bad qabka caawinaadda aan bixino"

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay mas’uuliyiin ka socday NIS Foundation

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay mas’uuliyiin ka socday NIS Foundation

February 4, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa xarunta Wasaaradda kula kulmay...

Danjire Yuusuf Jeego oo ka qeybgalay kulan muhiim ah

Danjire Yuusuf Jeego oo ka qeybgalay kulan muhiim ah

February 4, 2026
0

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Aljeeriya Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa ka qeyb galay kulan ka...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo magacaabay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka 2-aad iyo Wasiirro

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay mas’uuliyiin cusub oo Wasaaradda Waxbarashada ah

February 4, 2026
0

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Agaasimaha Guud ee Adeegyada Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta...

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay masuuliyiinta la doortay ee Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay masuuliyiinta la doortay ee Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya

February 4, 2026
0

Muqdisho, Febaraayo, 04,2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Madaxa-Bannaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In