Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii saddex iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 13-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Jilib iyo Xamarweyne oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada dhexe iyo Banaadir, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Tartameyaasha labada degmo ee Jilib iyo Xamarweyne ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.
Jilib
Tartameyaasha Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Lix su’aal, halka ay iska qaldeen Hal su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Jilib ay heleen waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.
Xamarweyne
Tartamayaasha Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Lix su’aal, iyagoo iska qalday Hal su’aal, sidoo kale ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen dhankooda, sdaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xamarweyne waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.
Sida sharciga tartanka dhigayo haddii labada degmo ay noqdaan isku dhibco waxaa tartanka lagu daraa su’aalo dheeri ah si loo kala saaro labada dhinac.
Min hal su’aal oo dheeri ah ayaa lagu daray balse labada degmo waa ay iska qaldeen, inkasta oo tartamayaasha Degmada Xamarweyne ay ka faa’iideysteen su’aashii soo hareermartay dhigooda Jilib, waxaana natiijada tartanka ay noqotay Xamarweyne oo leh 14 dhibcood iyo Jilib oo la timid 12 dhibcood, sidaas ayayna Xamarweyne ugu gudubtay wareegga 2-aad ee tartanka.
Hadaba kulankii 13-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Barnaamijka sanadkan oo lagu soo kordhiyay su’aalo la weydiinayo dhageystayaasha iyo daawadayaasha ku taxan tartanka marka la gaaro qeybta dhextaalka ayaa caawa su’aashii dadweynaha la weydiiyay oo dul saarneyd 30$ ka jawaabtay Nafiso Maxamed Axmed oo joogta deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho, taasi oo ku guuleysatay 30$ dollar oo abaalmarin ah oo ay bixineyso Bankiga IBS.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 14-aad ee tartanka waxaa ku tartami doona degmooyinka Aadan Yabaal iyo Boondheere oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha dhexe iyo Banaadir
Sawir qaade: Khadar Cali Nuur