Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 2-aad ku tartami lahaa Degmooyinka Kismaayo Vs Shibis oo ka kala tirsan Gobollada Jubba Hoose iyo Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii 2aad oo xiriir ah taabagelineya Bangiga IBS.
Axmed Cali Kaahiye oo ka mid ah daadihiyeyaasha Tartanka ayaa shaaciyay in tartamayaasha Degmada Shibis ee Gobalka Banaadir ay ka cudur daarteen ka qeyb galka tartankii caawa, isagoo intaa ku daray in sida sharciga uu dhigayo haddii ay hal degmo ka maqnaato goobta tartanka dhibcaha si toos ah loogu wareejinayo degmadii tartanka soo xaadirtay, sidaas darteed tartamayaasha Degmada Kismaayo ay dhibcaha tartanka la wareegeen, ayna ugu gudbeen wareegga labaad ee tartanka.
Xubno u hadlayay tartamayaasha degmada Kismaayo oo caawa tartanka u soo xaadiray, isla markaana ahaa guuleystayaasha tartanka sanadkii tegay ayaa sheegay inay caawa ku faraxsanyihiin inay guuleystaan oo ay u gudbaan wareeggga 2aad ee tartanka, ayna diyaar u yihiin inay difaacdaan tartanka.
Wasiirka Dhallinarada iyo cayaaraha ee Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Aweys Maxamed Xuseen oo horey uga mid ahaa tartamayaasha Degmada Kismaayo, oo isna la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlwadeennada Warbaahinta Qaranka uga mahadcelinayaan sida ay markasta ugu adeegayaan bulshadooda, isagoo tartamayaasha Kismaayo ku booriyay inay dadaal badan muujiyaan oo ay difaacaan tartanka.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 3-aad ee tartanka, waxaa ku tartami doono degmooyinka Kaxda Vs Dhuusamareeb oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Galgaduud.