Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Barnaamijyada, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Shan iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 12–aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Kismaayo iyo Wadajir oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Benaadir. waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Kismaayo iyo Benaadir ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026

Kismaayo

Tartameyaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Shan su’aal, halka ay iska qaldeen Labo su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo  ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kismaayo ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Wadajir

Tartamayaasha Degmada Wadajir ee Gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Lix su’aal, halka ay iska qaldeen Hal su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Wadajir waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.

Hadaba kulankii 12-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 13-aad ee tartanka, waxaa ku tartami doona degmooyinka Daarusalaam iyo Xarardheere oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Mudug.

   Sawir qaade:- Khadar Cali iNuur

Previous Post

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay tartan Qur’aan akhris ah

Next Post

Guddiga gaarka ah ee loo xilsaaray xasaanadda Xildhibaannada oo kulan yeeshay

Next Post
Guddiga gaarka ah ee loo xilsaaray xasaanadda Xildhibaannada oo kulan yeeshay

Guddiga gaarka ah ee loo xilsaaray xasaanadda Xildhibaannada oo kulan yeeshay

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
0

Wasaaradda arrimaha Gudaha dowladda FS ayaa dib u magacawday xubnihii maamulka gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo golaha deegaanka degmadaas.

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026
0

Madaxa Qiimeynta iyo Kormeerka, Prof: Maxamed Cilmi Guure, ahna Xiriiriyaha Soomaaliya ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika (CAADP)...

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo...

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In