Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Tartan Isboorti oo ku saabsan isdhexgal bulsho oo ka furmay degmada Shangaani

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Tartan Isboorti oo ku saabsan isdhexgal bulsho oo ka furmay degmada Shangaani
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartankan isboorti oo loogu tala galay in lagu xoojiyo isdhexgalka bulshada iyo nabadda isla markaana socon doono muddo 3 cisho ah ayaa ka furmay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir, taasi oo ay ku tartamayeen laba kooxood  oo ka kala yimid Waaxda Mooyaale iyo Waaxda Jabuuti, iyadoo tartanka ay ka qeyb qaadan doonan cayaartoy laga soo kala xulay afarta Waaxood ee Degmada Shangaani.

Tartankan isboorti oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Hay’adda wacyi gelinta bulshada Soomaaliyeed  ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan C.C.A ayaa waxaa ka qeyb galay Maamulka degmada mas’uuliyiinta hay’adda C.C.A iyo  dadweyne kale oo aad u farabadan ee ka kala yimid  afarta Waaxood ay ka koobantahay degmada Shangani  ee gobolka Banaadir.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

Ciyaarta oo  ahayd mid xiisa galisay dadkii u soo daawasho tegay ayaa waxaa  ay ku soo idlaatay 3 iyo 2 oo ay guusha ku raacday cayaartoyda u tartamaysay Waaxda Mooyaale.

Agaasimaha hay’adda wacyigalinta bulshada Soomaaliyeed C.C.A Maxamed Cabdi  Xasan Sandheere  ayaa tilmaamay in ahmiyad gaar ah ay bulshada u leedahay tartamada nuucaani oo kale ah, isla markaana ay yihiin kuwa xoojinaya isdhexgalka bulshada.

Guddoomiyaha degmada Shangaani  ee gobolka Banaadir Saciid Cabdiqaadir “Saciid Buuwe” ayaa kula dardaarmay dhallinyarada in ay ka faa’iideystaan tartamada cayaaraha, isagoo  u mahadceliyay mas’uuliyiinta hay’ada wacyigalinta bulshada C.C.A sida ay u garab taaganyihiin dhallinyarada Soomaaliyeed .

“C.C.A waxaan aad  aad ugu faraxsanahay iney noo keeneen cayaar xilli habeen ah la ciyaaraayo oo isdhexgal bulsho ah ee afarta Waaxood ee degmada, waana soo dhaweeheynaa, Caawa labo koox ayaa cayaartay, Habeen dambe laba kooxood habeenka Jimcaha Insha Allah  haduu ilaahey idmana aan soo qatimi doono, kooxdii reysana aan abaal marin siin doono” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Shangaani.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa waday dadaalo lagu horumarinayo isdhexgalka bulshada, iyadoo loo marayo tartamo isboorti oo kala duwan.

 

 

 

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta iyo ku-xigeenkiisa oo ka qeyb galay tartan heesaha hirgalay “SAWIRRO”

Next Post

Aqoon kororsi xeerka iibka Qaranka ku saabsan oo Muqdisho laga furey

Next Post
Aqoon kororsi xeerka iibka Qaranka ku saabsan oo Muqdisho laga furey

Aqoon kororsi xeerka iibka Qaranka ku saabsan oo Muqdisho laga furey

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In