Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tartan isboorti oo ku saabsan isdhexgalka bulshada oo lagu qabtay Degmada Heliwaa

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Tartan isboorti oo ku saabsan isdhexgalka bulshada oo lagu qabtay Degmada Heliwaa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan isboorti oo lagu xoojiyay isdhexgalka bulshada iyo Nabadda ka jirta degmada Heliwaa ayaa shalay gelinkii dambe lagu qabtay degmada, kaasi oo dhexmaray labo koox oo ka kala socotay Waaxyaha Waxar-cadde iyo Bandar-wanaag, iyadoo ay u soo daawasho tageen dadweyne aad u fara badan.

Tartanka oo ah mid uu soo qaban qaabiyay Maamulka degmada Heliwaa ayaa dadweynihii u soo daawasho tegay waxa ay aad u jecleysteen qaab cayaareedkii ay soo bandhigeen labada koox eek u cayaareysay magaca labo waax oo ka tirsan Degmada, waxaana ay cayaartaasi ku soo idlaatay 2-0 oo ay guusha ku raacday cayaartoodka Bandar-wanaag.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Liibaan Maxamed Cali oo ah tababaraha kooxda Waaxda Waxar-cadde ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay cayaartii ay soo bandhigeen kooxdiisa, isagoo uga mahadceliyay dadaalka ay muujiyeen, waxaana uu kooxda kale ugu hambalyeeyay guusha ay gaareen.

Tababaraha kooxda Bandar-wanaag Mahad Abuukar Cali oo isna kulanka kaddib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin guusha ay gaareen, waxaana uu intaa ku daray inay sii joogteyn doonaan sare u qaadidda tartamada Isboorti.

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa Maxamed Axmed Xaashi ayaa ugu horeyn u hambalyeeyay labada koox cayaar wanaaga ay soo bandhigeen, waxaana uu kooxda tartanka badisay ku booriyay inay sii labo jibaaraan tayaynta xirfadooda, isagoo xusay in ujeedka tartanka uu ahaa isdhexgalka bulshada oo qeyb weyn ka qaadaneysa Nabadgelyada iyo horumarka.

Intaa kadib Guddoomiyaha degmada Heliwaa oo ay wehliyaan saraakiisha hay’adaha amniga ee degmada ayaa waxa ay kormeer ku soo sameeyeen xaafadaha kala duwan ee degmada, kaasi oo ay ugu kuurgalayeen xaaladda amni ee ka jirta degmada iyo xaaladaha kale ee ay ku suganyihiin shacabka halkaasi ku nool.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Baarlamaanka oo maanta ka doodaya Hindise sharciyeedka Hanti dhowrka guud ee Qaranka

Next Post

Baarlamaanka oo maanta ka doodaya Hindise sharciyeedka Hanti dhowrka guud ee Qaranka

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In