Sunday, August 14, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tartan isboorti oo ku saabsan isdhexgalka bulshada oo lagu qabtay Degmada Heliwaa

January 19, 2015
in Wararka
0
Tartan isboorti oo ku saabsan isdhexgalka bulshada oo lagu qabtay Degmada Heliwaa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan isboorti oo lagu xoojiyay isdhexgalka bulshada iyo Nabadda ka jirta degmada Heliwaa ayaa shalay gelinkii dambe lagu qabtay degmada, kaasi oo dhexmaray labo koox oo ka kala socotay Waaxyaha Waxar-cadde iyo Bandar-wanaag, iyadoo ay u soo daawasho tageen dadweyne aad u fara badan.

Tartanka oo ah mid uu soo qaban qaabiyay Maamulka degmada Heliwaa ayaa dadweynihii u soo daawasho tegay waxa ay aad u jecleysteen qaab cayaareedkii ay soo bandhigeen labada koox eek u cayaareysay magaca labo waax oo ka tirsan Degmada, waxaana ay cayaartaasi ku soo idlaatay 2-0 oo ay guusha ku raacday cayaartoodka Bandar-wanaag.

Related posts

Sawirro: Wasiir Beena-beene oo lagu wareejiyey xilka wasaaradda Qorsheynta XFS

Sawirro: Wasiir Beena-beene oo lagu wareejiyey xilka wasaaradda Qorsheynta XFS

August 13, 2022
Wasiiru-dowlaha Cusub Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Oo Xilka La Wareegay

Wasiiru-dowlaha Cusub Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Oo Xilka La Wareegay

August 13, 2022

Liibaan Maxamed Cali oo ah tababaraha kooxda Waaxda Waxar-cadde ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay cayaartii ay soo bandhigeen kooxdiisa, isagoo uga mahadceliyay dadaalka ay muujiyeen, waxaana uu kooxda kale ugu hambalyeeyay guusha ay gaareen.

Tababaraha kooxda Bandar-wanaag Mahad Abuukar Cali oo isna kulanka kaddib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin guusha ay gaareen, waxaana uu intaa ku daray inay sii joogteyn doonaan sare u qaadidda tartamada Isboorti.

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa Maxamed Axmed Xaashi ayaa ugu horeyn u hambalyeeyay labada koox cayaar wanaaga ay soo bandhigeen, waxaana uu kooxda tartanka badisay ku booriyay inay sii labo jibaaraan tayaynta xirfadooda, isagoo xusay in ujeedka tartanka uu ahaa isdhexgalka bulshada oo qeyb weyn ka qaadaneysa Nabadgelyada iyo horumarka.

Intaa kadib Guddoomiyaha degmada Heliwaa oo ay wehliyaan saraakiisha hay’adaha amniga ee degmada ayaa waxa ay kormeer ku soo sameeyeen xaafadaha kala duwan ee degmada, kaasi oo ay ugu kuurgalayeen xaaladda amni ee ka jirta degmada iyo xaaladaha kale ee ay ku suganyihiin shacabka halkaasi ku nool.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Baarlamaanka oo maanta ka doodaya Hindise sharciyeedka Hanti dhowrka guud ee Qaranka

Next Post

Baarlamaanka oo maanta ka doodaya Hindise sharciyeedka Hanti dhowrka guud ee Qaranka

Sawirro: Wasiir Beena-beene oo lagu wareejiyey xilka wasaaradda Qorsheynta XFS

Sawirro: Wasiir Beena-beene oo lagu wareejiyey xilka wasaaradda Qorsheynta XFS

August 13, 2022
0

Ra’iisul Wasaaradah Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Wasiirka cusub ee wasaaradda...

Wasiiru-dowlaha Cusub Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Oo Xilka La Wareegay

Wasiiru-dowlaha Cusub Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Oo Xilka La Wareegay

August 13, 2022
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiiru-dowlaha cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga mudane...

Soomaaliya Oo La Wareegtay Deeq Raashin Ah Oo Uga Timid Imaaraadka Carabta

Soomaaliya Oo La Wareegtay Deeq Raashin Ah Oo Uga Timid Imaaraadka Carabta

August 13, 2022
0

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha, Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), oo uu wehliyo Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, Xoghayaha...

Ciidamada Isku Dhafka Ah Ee Puntland iyo Galmudug Oo Lagu Wareejiyay Gaadiid

Ciidamada Isku Dhafka Ah Ee Puntland iyo Galmudug Oo Lagu Wareejiyay Gaadiid

August 13, 2022
0

Masuuliyiin ka tirsan dowlad gobaleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta si wadajir ah ugu wareejiyay labo gaari Ciidanka isku dhafka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In