Saturday, July 2, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Tartan isboorti oo lagu soo gabo gabeeyay degmada Xamar weyne

January 4, 2015
in Ciyaaraha, Wararka
0
Tartan isboorti oo lagu soo gabo gabeeyay degmada Xamar weyne
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan isboorti oo lagu xoojinayay isdhexgalka bulshada oo uu soo qaban qaabiyay maamulka Degmada Xamar weyne ayaa shalay gelinkii dambe lagu soo gabo gabeeyay xarunta Degmada Xamar weyne oo ay cayaartii kama dambeysta ahayd isugu soo hareen labo koox.

Munaasabadii tartanka lagu soo gabo gabeynayay waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socda Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, xubno ka socday Maamulka Gobolka Benaadir, marti sharaf iyo dadweyne aad u fara badan.

Related posts

Safaaradda Soomaliya ee Kuwait oo u dabaal degtayToddobaadka Xoriyadda dalka

Safaaradda Soomaliya ee Kuwait oo u dabaal degtayToddobaadka Xoriyadda dalka

July 2, 2022
Dhul gariir xooggan oo ka dhacay koonfurta Iiraan

Dhul gariir xooggan oo ka dhacay koonfurta Iiraan

July 2, 2022

Tartankan oo ay ka qeyb galeen afar koox oo ku cayaareysay magacyada afarta waax ee ay ka koobantahay degmada ayaa ugu dambeyn kulankii kama dambeysta ee tartanka isugu soo haray cayaartooy ka kala socotay Waaxyaha Hilaac iyo Kacaan ee deggmada, kuwaasi oo soo bandhigay cayaar wanaag oo ay jecleysteen dhamaan dadkii u soo daawasho tegay, iyadoo 2-0 ay guusha ku raacday cayaartooyda Kooxda Kacaan.

Guddoomiyaha degmada Xamar weyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir  ayaa sheegay in ujeedka tartankan isboorti loo qabtay uu yahay  sidii loo xoojin lahaa isdhexgalka bulshada ku dhaqan degmada, waxaana uu ka mahadceliyay cayaartooydii ka qeyb qaadatay inta uu socday tarntan sida xilkasnimada leh ee ay ku soo bandhigeen cayaaraha.

Guddoomiyaha ururka haweenka  gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo ka hadashay goobta ayaa sheegtay in tartamada noocaan oo kale ah ay qeyb ka qaadan karaan horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Banaadir Iimaan Nuur Iikar ayaa  maamulka  degmada Xamar weyne uga mahadceliyay qabsoomidda tartankaasi, isagoo cayaartooyada labada dhinac ku amaanay cayaar wanaaga ay soo bandhigeen.

Gobo gabadii tartanka ayaa abaal marino lagu guddoonsiiyay dhamaan kooxihii ka qeyb galay, iyadoo kooxda ku guuleystay tartanka ee Kacaan la guddoonsiiyay koobkii tartanka.

DSCN7620 DSCN7630 DSCN7638 DSCN7642

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Xaflad soo dhaweyn ah oo gudoomiyaha ururka dhalinyarada Hiiraan loogu sameeyay Muqdisho (SAWIRO)…

Next Post
Xaflad soo dhaweyn ah oo gudoomiyaha ururka dhalinyarada Hiiraan loogu sameeyay Muqdisho (SAWIRO)…

Xaflad soo dhaweyn ah oo gudoomiyaha ururka dhalinyarada Hiiraan loogu sameeyay Muqdisho (SAWIRO)…

Safaaradda Soomaliya ee Kuwait oo u dabaal degtayToddobaadka Xoriyadda dalka

Safaaradda Soomaliya ee Kuwait oo u dabaal degtayToddobaadka Xoriyadda dalka

July 2, 2022
0

Munaasabad lagu xusayay maalmaha xoriyadda, Midowgii gobolada Waqooyi iyo Koonfur ayaa xalay lagu qabtay dalka Kuwait, xafladan oo ay iska...

Dhul gariir xooggan oo ka dhacay koonfurta Iiraan

Dhul gariir xooggan oo ka dhacay koonfurta Iiraan

July 2, 2022
0

Dad gaaraya Shan ruux ayaa dhintay, halka 19 kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii Subaxnimadi hore ee saakay uu dhul...

QM oo War kasoo saartay Abaaraha kajira qeybo kamid ah Sooomaaliya

Tirada dadka ku barakacay abaarta geeska Afrika oo la shaaciyay

July 2, 2022
0

Guud ahaan Geeska Afrika, laga soo bilaabo waqooyiga Kenya ilaa bariga Itoobiya iyo inta badan Soomaaliya, abaaro ba’an ayaa ka...

Cali Guudlaawe oo Jowhar gaaray

Cali Guudlaawe oo Jowhar gaaray

July 1, 2022
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta dib ugu laabtay Caasimada Jowhar kadib safar uu dhawaanahaan ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In