Degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa lagu soo gebagebeeyay tartan Isborti oo kubadda cagta ah oo ay ka qeyb galeen in ka badan 16-kooxood oo ka dhisan degmadaasi.
Koobka loo dhigay kooxahan ayaa loogu magac daray howlgalka Badweynta Hindiya ee dalka looga sifeynayo Alshabaab, waxaana ku guuleystay kooxda kubadda cagta Iftin oo hal iyo eber uga badisay kooxda Alcimra.
Gudoomiyaha dhalinyarada Isportiga ee degmada Jalalaqsi Mahdi Maxamed Xasan ayaa ku dhawaaqay natiijada ciyaartaasi, isagoo abaalmarino qaaliya gudoonsiiyay kooxda ku guuleeystay koobka Badweynta Hindiya iyo labada kooxood ee galay kaalimaha Labaad iyo Sadexaad.
Qaar ka mid ah bulshada ku nool degmada Jalalaqsi oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin tartankan isborti ee lagu qabtay degmadaasi, kuwaas oo sheegay ineey la dhaceen daawashada ciyaartaasi mudadii ay socotay.
Degmada Jalalaqsi oo ka mid ah deegaannadii ugu dambeeyay ee lagu xoreeyay howlgalka Badweynta Hindiya, ayaa hore kooxda Shabaab waxa ay uga mamnuuceen noocyada isbortiga.
Tartankan ayaa noqonayo kii ugu horeeyay ee lagu qabto degmadaasi, wixii ka dambeeyay markii laga xoreeyay maleeshiyaadka Al-shabaab.