Monday, November 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tartan Isbortis oo lagu soo gebagebeeyay degmada Jalalaqsi

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa lagu soo gebagebeeyay tartan Isborti oo kubadda cagta ah oo ay ka qeyb galeen in ka badan 16-kooxood oo ka dhisan degmadaasi.

Koobka loo dhigay kooxahan ayaa loogu magac daray howlgalka Badweynta Hindiya ee dalka looga sifeynayo Alshabaab, waxaana ku guuleystay kooxda kubadda cagta Iftin oo hal iyo eber uga badisay kooxda Alcimra.

Related posts

Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo Akhrinta labaad marsiiyay xisaab xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024

Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo Akhrinta labaad marsiiyay xisaab xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024

November 17, 2025
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

November 17, 2025

Gudoomiyaha dhalinyarada Isportiga ee degmada Jalalaqsi Mahdi Maxamed Xasan ayaa ku dhawaaqay natiijada ciyaartaasi, isagoo abaalmarino qaaliya gudoonsiiyay kooxda ku guuleeystay koobka Badweynta Hindiya iyo labada kooxood ee galay kaalimaha Labaad iyo Sadexaad.

Qaar ka mid ah bulshada ku nool degmada Jalalaqsi oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin tartankan isborti ee lagu qabtay degmadaasi, kuwaas oo sheegay ineey la dhaceen daawashada ciyaartaasi mudadii ay socotay.

Degmada Jalalaqsi oo ka mid ah deegaannadii ugu dambeeyay ee lagu xoreeyay howlgalka Badweynta Hindiya, ayaa hore  kooxda Shabaab waxa ay uga mamnuuceen noocyada isbortiga.

Tartankan ayaa noqonayo kii ugu horeeyay ee lagu qabto degmadaasi, wixii ka dambeeyay markii laga xoreeyay maleeshiyaadka Al-shabaab.

 

Previous Post

Maxkamadda sare ee Galmudug oo ku baaqday in wax laga qabto kooxo dhigta jid-gooyooyin

Next Post

Guddiga Farsamada ee Mamaul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud oo tababar u furmay

Next Post

Guddiga Farsamada ee Mamaul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud oo tababar u furmay

Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo Akhrinta labaad marsiiyay xisaab xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024

Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo Akhrinta labaad marsiiyay xisaab xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024

November 17, 2025
0

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, iyagoo ka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

November 17, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa xarunta Madaxtooyada Baydhabo kula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee...

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayo arrimaha Barakacayaasha

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayo arrimaha Barakacayaasha

November 17, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Axmed Xuseen Cilmi, ayaa ka qeybgalay Shirka Sannadlaha ah ee looga hadlayo “Ilaalinta...

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Bakool

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Bakool

November 17, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo laga sameeyay na-waaxiga deegaanka Moora-Gaabeey, oo 37 KM u jirta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In