Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tartan Sport oo lagu xusayay maalinta calanka oo lagu qabtay Koonfur Afrika-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Tartan Sport oo lagu xusayay maalinta calanka oo lagu qabtay Koonfur Afrika-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ayadoo loo dabaal dagayo maalinta la sameeyay calanka Soomaaliya sanadkii 1954 tii oo ay kasoo wareegtay 61 sano, waxaa si isku mid ah looga dabaal dagayaa qaar ka mid ah gobolada dalka iyo waliba dalalka dibada ah oo ay Soomaalida ku nooshahay.

Soomaalida ku nool gobolka Limpopo ee dalka koofur africa ayaa  ka qeyb qaadanayaan xuska maalinta astaanta calanka Soomaaliya waxaa ay soo agaasimeen tartan sports oo ay soo qaban qaabiyeen bahda sports-ka Soomaalida ee gobolkaasi,tartankaasi waxaa ka qeyb qaadanayay ilaa afar koox oo ka kala dhisan deegaanada gobolkaasi oo Soomaalida ganacsiyada ay ku leedahay.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

January 26, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

January 26, 2026

Afarta koox ee tartanka ka qeybgalayay ayaa halkaasi waxaa ay ku soo bandhigeen cayaar aad ay ula dhaceen bulshadii kala  duwanaa oo kasoo qeyb gashay kuwaas oo ay ku jireen mas’uuliyiinta jaaliyada Soomaalida ee gobolka Limpopo iyo kan degmada marti galisay ee lagu magacaabo Thohoyandou ayada oo sido kale ay goobta joogeen mas’uuliyiin ka socday jaaliyada Soomaalida ee magaalada Cape town.

Ismaaciil Cabdi Calasow “Ismaaciil Burjito” oo ah gudoomiyaha sports-ka deegaanka Thohoyandou oo koobkaan soo agaasimay ayaa warbaahinta qaranka u sharaxaya ujeedada ay usoo agaasimeen tartankaan.

“Barnaamijkaan ujeedkiisu waxaa uu ahaa tartan aan ku maamuuseynay maalinta la sameeyay calanka Soomaaliya 1954-tii waxaana kasoo qeybgalay ilaa afar kooxood sanadkii na bishaan oo kale ayaan qabanaa” ayuu yiri Ismaaciil Burjito.

Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida ee gobolka Limpopo Daahir Xasan Hilowle oo goobta kula hadlay warbahinta qaranka ayaa u mahad celiyay jaaliyada degmada Thohoyandou oo xil iska saartay marti galinta barnaamijkaan waxaana uu sheegay in tartankaan u qeyb ka yahay is dhaxgalka bulshada gaar ahaan dhalinyarada Soomaalida ee ka xamaasha deegaanada gobolka Lippopo.

“Waxaan u mahad celinaa shacabka Soomaalida ee ku nool xaafada Thohoyandou oo xil iska saaray qabashada koobaan muhimada waxaa ay tahay oo kale is dhaxgalka dhalinyarada waad u jeedaan dhalinyarada meelo kala duwan ayey ka yimaadeen ayaga oo soo xeray ganacsigooda.” Ayuu sheegay Hilowle.

Cayaarta ayaa kusoo idlaatay jawi aad u wanaagsan waxaana guusha tartanka ay raacday naadiga Thohoyandou.

IMG_0003 IMG_0009 IMG_0016 IMG_0020 IMG_0031 IMG_0038 IMG_0061 IMG_0076 IMG_0083 IMG_0098 IMG_0134 IMG_9877

 

Previous Post

Ciidamada XDS oo gacanta ku soo dhigay horjooge ka tirsan Shabaab

Next Post

Wasiirka warfaafinta oo ka hambalyay munaasabadda maalinta calanka

Next Post
Wasiirka warfaafinta oo ka hambalyay munaasabadda maalinta calanka

Wasiirka warfaafinta oo ka hambalyay munaasabadda maalinta calanka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

January 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad eeXukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane JibrilCabdirashiid Xaaji ayaa si rasmi ah u daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

January 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee...

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

January 26, 2026
0

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), oo kaashaneysa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Muhaajiriinta iyo...

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

January 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In