Ayadoo loo dabaal dagayo maalinta la sameeyay calanka Soomaaliya sanadkii 1954 tii oo ay kasoo wareegtay 61 sano, waxaa si isku mid ah looga dabaal dagayaa qaar ka mid ah gobolada dalka iyo waliba dalalka dibada ah oo ay Soomaalida ku nooshahay.
Soomaalida ku nool gobolka Limpopo ee dalka koofur africa ayaa ย ka qeyb qaadanayaan xuska maalinta astaanta calanka Soomaaliya waxaa ay soo agaasimeen tartan sports oo ay soo qaban qaabiyeen bahda sports-ka Soomaalida ee gobolkaasi,tartankaasi waxaa ka qeyb qaadanayay ilaa afar koox oo ka kala dhisan deegaanada gobolkaasi oo Soomaalida ganacsiyada ay ku leedahay.
Afarta koox ee tartanka ka qeybgalayay ayaa halkaasi waxaa ay ku soo bandhigeen cayaar aad ay ula dhaceen bulshadii kala ย duwanaa oo kasoo qeyb gashay kuwaas oo ay ku jireen mas’uuliyiinta jaaliyada Soomaalida ee gobolka Limpopo iyo kan degmada marti galisay ee lagu magacaabo Thohoyandou ayada oo sido kale ay goobta joogeen mas’uuliyiin ka socday jaaliyada Soomaalida ee magaalada Cape town.
Ismaaciil Cabdi Calasow “Ismaaciil Burjito” oo ah gudoomiyaha sports-ka deegaanka Thohoyandou oo koobkaan soo agaasimay ayaa warbaahinta qaranka u sharaxaya ujeedada ay usoo agaasimeen tartankaan.
“Barnaamijkaan ujeedkiisu waxaa uu ahaa tartan aan ku maamuuseynay maalinta la sameeyay calanka Soomaaliya 1954-tii waxaana kasoo qeybgalay ilaa afar kooxood sanadkii na bishaan oo kale ayaan qabanaa” ayuu yiri Ismaaciil Burjito.
Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida ee gobolka Limpopo Daahir Xasan Hilowle oo goobta kula hadlay warbahinta qaranka ayaa u mahad celiyay jaaliyada degmada Thohoyandou oo xil iska saartay marti galinta barnaamijkaan waxaana uu sheegay in tartankaan u qeyb ka yahay is dhaxgalka bulshada gaar ahaan dhalinyarada Soomaalida ee ka xamaasha deegaanada gobolka Lippopo.
“Waxaan u mahad celinaa shacabka Soomaalida ee ku nool xaafada Thohoyandou oo xil iska saaray qabashada koobaan muhimada waxaa ay tahay oo kale is dhaxgalka dhalinyarada waad u jeedaan dhalinyarada meelo kala duwan ayey ka yimaadeen ayaga oo soo xeray ganacsigooda.โ Ayuu sheegay Hilowle.
Cayaarta ayaa kusoo idlaatay jawi aad u wanaagsan waxaana guusha tartanka ay raacday naadiga Thohoyandou.