Tartanka ciyaaraha dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ayaa maanta oo dib uga bilaabanaya garoonka Kubadda Cagta ee istadum Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tartanka uu dib u bilaaban doono, kadib hakad uu tartanka ku jiray mudo todoboaad ka badan.
Kulan ay yeesheen guddiga fulinta xiriirka kubadda Cagta ee Soomaaliya iyo ururrada kubadda cagta ee maamul goboleedyada ayaa lagu go’aamiyay in dib loo bilaabo Tartanka cayaaraha Dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir .
Xulka Kubada Cagta Hirshabeelle ayaa maanta tagaya garoonka si saddex dhibcood looga siiyo xulkii Koonfur galbeed oo cayaaraha isaga baxday ka dib dhibaato ka soo gaartay Ciyaartay ugu dambeeysay ee dhexmaratay iyo Xulka kubada Cagta Galmudug oo guushana ay ku raacday
Maanta ayaa la filayaa in Xulalaka Kubada Cagta ee Jubbland iyo Gobola Banaadir Ciyaar ay ku dhexmarto garoonka kubada Cagta ee Muqdisho