Thursday, September 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tartanka orodka gaaban oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho+ Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 6, 2018
in Wararka
0
Tartanka orodka gaaban oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho+ Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa Maanta Muqdisho lagu soo gabagabeeyay tartanka Maalinta horumarinta Sportiga Adduunka iyo sidoo kale Maalinta Orodka gaaban ee Muqdishu Mini Marathone.

Tartanka ayaa waxaa ka qayb galayay 370 Orod yahan oo ka kala socda 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir, iyadoo Degmo waliba laga soo xulay 22 Ciyaartooy oo u badan kuwo daโ€™ yar ah.

Related posts

๐๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐–๐š๐ฑ๐ช๐š๐›๐š๐๐ค๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง-๐๐š๐ซ๐š๐ง (๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ-๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“)

๐๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐–๐š๐ฑ๐ช๐š๐›๐š๐๐ค๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง-๐๐š๐ซ๐š๐ง (๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ-๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“)

September 17, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

September 17, 2025

Tartanka oo kasoo billaawday Aargada KM 4 laguna soo gabagabeeyay KM O, ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiiradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Khadiija maxamed Diiriye, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) , Guddoomiyaha sportiga Gobolka Banaadir Xasan Xaaji yabaroow iyo masuuliyiin kale.

Maalinta caalamaiga ah ee horumarinta Sportiga Adduunka, ahna Maalinta Orodka gaaban ee Muqdisho 6-da April ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay quburo ku xeel dheerayaal Orodka uu ka mid ahaa halyeey Cabdi Bile Cabdi iyo tababarayaal kale oo Taariikh ku leh Dalka Soomaaliya.

Orodka oo ahaa mid xiisa gaar ah leh ayaa waxaa kaalinta koobaad ka galay Xasan Iidoow Xasan oo ka tirsan Ciyaartooyda xulka Qaranka Horseed, halka kaalinta Labaadna uu galay C/salaan Maxamed.

Markii uu soo gabagaboobay Ororka ayaa waxaa halkaasi ka hadashay wasiirka wasaaradda Sportiga iyo dhallinyarada Soomaaliyeed Khadiijo Maxamed Diiriye, waxanay sheegtay inay xustay inay Sanadkan ku guuleysteen soo bandhigidda munaasabadda Caalamiga ee horumarinta Sportiga Adduunka oo huwan munaasabad Qarameedda 6 April oo ah Muqdisho mini marathone.

Marwo Khadiijo ayaa sheegtay inay Soomaaliya ka gaadhay xagga Sportiga horumar la taaban karo, iyadoo tilmaantay in qabashada Labadan munaasabadood muddo laga soo shaqeeyay hirgelintooda fikirna lagu bixiyay, waxanay tallaabadani ugu mahad celisay Guddoomiyaha Gobolka iyo madaxda xiriirka Olympikada Soomaaliyeed.

โ€œWaxaa hirgelinta munaasabaddan suurto geliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, wasaaradda hindisaheeda uma suurto galeen haddaydaan Gacan na siin, sidoo kale waxaan u mahad celinayaa xiriirka Olympikada Soomaaliya oo kaalin ka qaatanโ€ ayay tiri wasiiraddu.

Wasiirad Khadiijo ayaa sidoo kale sheegtay inay isla Maanta Daah furtay Mashruuc lagu horumarinayo nabadda sportiga iyo is dhex galka bulshada soomaaliyeed, kaasoo ay qayb ka yihiin maamul goboleedyada Dalka ka jira.

Wasiiradda ayaa dhanka kale Dhallinyarada Soomaaliyeed ku boorrisay inay la mid noqdaan halyeyga Cabdi Bile Cabdi oo ah Nin kii ugu horreeyay ee isaga oo Magac Soomaaliyeed ku cayaaraya Billado u soo hooyay Qarankiisa.

Waxay sidoo kale sheegtay in dhammaan ka qayb galayaasha Maalinta Orodka gaaban ee Muqdisho la guddoonsiin doono Shaqaado Sharaf lagu caddeeynayo tartankii ay ka qayb galeen.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng; C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa sheegay in Maanta ay farxad weyn u tahay in tartanka uu ka dhaco Muqdisho, wuxuuna bogaadiyay doorkii lixaadka lahaa ee ay wasaaradda Sportiga ka qaadatay hir gelinta tartankan, wuxuuna si aad ah ugu mahad celiyay halyeeyga Orodka Soomaaliyeed cabdi Bile Cabdi iyo Dhallin yaradii ka qayb qaadatay Orodka gaar ahaa Carruurtii aadka u daโ€™da yarayd ee tartamaysay.

Mudane yariisoow ayaa sheegay inay tallaabadani tahay farriin nabadeed, isagoo xusay inay Muqdisho la mid noqon doonto caasimadaha Adduunka haddii dedaalladan oo kale la sii wado lana dhiirri geliyo.

Halyeey Cabdi Bile Cabdi ayaa aad ugu dheeraaday Taariikhda Marathone-ka Soomaaliya, doorkii uu kasoo qaatay, wuxuuna ammaanay niyadda ay u hayaan Dhallinta cusub inay ka mid noqdaan Orod yahannada Caalamka, kuwaasoo sida uu sheegay u haya Orodka niyad iyo han fiican, wuxuuna ugu mahad celiyay waalidkii u oggolaaday iyo Macallimiintii ku soo barbaarisay.

Ugu dambayntii waxaa halkaas Billado isugu jira Dahab, Qalin iyo Maar lagu kala guddoonsiiyay Saddexdii Orod yahan ee kaalimaha hore ka galay tartanka, waxaana Billadda Dahabka hantiyay Cali Iidoow Xasan oo 19 jir ah una dheela xulka Qaranka Horseed halka kaalinta Labaadna uu galay C/Salaan Maxamed.

Previous Post

40 qofood oo dalka Uganda ugu dhimatay cudurka Daacuunka

Next Post

Kenya oo lacago duldhigtay 8 ka tirsan argagixisada Al-shabaab

Next Post
Kenya oo lacago duldhigtay 8 ka tirsan argagixisada Al-shabaab

Kenya oo lacago duldhigtay 8 ka tirsan argagixisada Al-shabaab

๐๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐–๐š๐ฑ๐ช๐š๐›๐š๐๐ค๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง-๐๐š๐ซ๐š๐ง (๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ-๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“)

๐๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐–๐š๐ฑ๐ช๐š๐›๐š๐๐ค๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง-๐๐š๐ซ๐š๐ง (๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ-๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“)

September 17, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqday qaybta ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

September 17, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya...

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

September 17, 2025
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi, ayaa kulan la qaatay Madaxa U Adkeysiga Afooyinka ee Midowga Yurub,...

Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

September 17, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, iyo Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka wada hadlay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In