Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kenya oo lacago duldhigtay 8 ka tirsan argagixisada Al-shabaab

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Kenya oo lacago duldhigtay 8 ka tirsan argagixisada Al-shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War ka soo baxay Laamaha ammaanka Dalka Kenya ayaa lagu sheegay in ay jiraan rag tiradooda ay gaareyso ilaa 8 qof  oo ka tirsan Argagixisada Alshabaab, kuwaasi oo qorsheynaya in ay weeraro ka geystaan gudaha dalka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dadkan la baadi goobayo midkasta oo kamid ah  Madaxiisa la duldhigay laba Milyan lacagta Kenyanka ah oo u dhiganta 20,000$, oo la siin doono cidii gacanta ku soo dhigta ama meel ku sheegta,si ay ciidamada ammaanku ay gacanta ugu soo dhigaan.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026

Wareegto uu soo saaray Taliyaha Ciidanka Booliska dalka Kenya waxa uu ku sheegay raggan in aydoonayaan in  howlo Argagixiso ka geystaan gudaha dalka Kenya, lagana hortagayo.

Sideeda qof oo lala xiriirinayao Maleeshiyada Alshabaab oo ay Ciidamada Kenya ay ku daba jiraan ayaa waxa ay kala yihiin Isaaq Caliyow Maxamed, Raxiim Maxamed Sheekh, Bashiir Xareed Xuseen, Bshiya Aadan Cusmaan Kulu, C/rashiid Ibraahim Aadan Cusmaan, Siyaad Ibraahim C/laahi, Cabdi Maxamed Ibraahim iyo Maxamed Maxamuud Maxamed,kuwaasi oo madaxyadooda la duldhigay lacago aad u farabadan.

Booliska ayaa shacabka ka dalbaday in Ciidamada Booliska ay u gudbiyaan wixii xog ah oo ay ka hayaan raggan oo sawiradooda lagu baahiyay, si loo soo qabto sharcigana loo horgeeyo.

Afhayeenka  Booliska Wadanka Kenya ayaa sheegay in shaqsiyaadka la baadi goobayo ay ku dhuumaaleysanayaan degaano ka tiran Gobolka Waqooyi Bari oo ay ka mid yihiin Khadiija Xaaj iyo Qumbi-dhaam, doonayaana in ay geystaan falal ka baxsan amniga.

Previous Post

Tartanka orodka gaaban oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho+ Sawirro

Next Post

Duqa Muqdisho oo ka hadlay waxqabadka maamulkiisa

Next Post
Duqa Muqdisho oo ka hadlay waxqabadka maamulkiisa

Duqa Muqdisho oo ka hadlay waxqabadka maamulkiisa

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In