Sunday, May 22, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo ka hadlay waxqabadka maamulkiisa

April 6, 2018
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo ka hadlay waxqabadka maamulkiisa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo marti ku ahaa barnaamijka Dood Furan ee ka baxa Telefeshinka Qaranka ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay maamulkiisa iyo halka uu hiigsanayo.

Guddoomiyaha ayaa marka hore ka warbixiyey xaaladaha amniga, horumarka la sameeyey iyo caqabadaha jira. Sidoo kale waxuu ka hadlay qorshaha uga dagsan dhinacyada amniga, isku-xirka bulshada, maamul wanaagga, la dagaalanka musuq-maasuqa iyo Barakacayaasha.

Related posts

Marka: Dhagarqabe argagixisada u qaabilsanaa miinooyinka oo gacanta lagu dhigay

Marka: Dhagarqabe argagixisada u qaabilsanaa miinooyinka oo gacanta lagu dhigay

May 21, 2022
Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb

May 21, 2022

Duqa Muqdisho ayaa u caddeeyey bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda in maamulkiisu uu diyaar u yahay xaqiijinta amniga, waxuna xusay in la bilaabay wadatashiyo ay shacabku qeyb ka yihiin oo amniga lagu sugayo. Isagoo intaas ku daray in la furay qaar kamid ah waddooyinkii xirnaa inta dhimanna dhowaan la furi doonno, si loo fududeeyo isku socodka magaalada.

Eng. Yarisow oo ka hadlayey soo celinta Bilicda Caasimadda ayaa yiri; “Si loo helo magaallo nadiif ah waxaan bilownay olole ballaaran oo qashinka lagu xaaqayo, balse baaxadda qashinka magaalada yaalla waxuu u baahan yahay wacyigelin iyo howl adag. Dhowaana waxaan keeni doonnaa qalab casri ah oo howshan qeyb ka qaata, waxaana rajeynayaa in bilaha dhow isbadel laga dareemi doonno bilicda magaalada”.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo ka hadlayay burburka jidadka magaalada ayaa xusay in dhismaha waddooyinku ay u leeyihiin mudnaan sare, si taas looga dhabeenaya bulshada Soomaaliyeed laga doonayo in kaalintooda ay qaataan. Iyadoo laga duulayo qorshaha isku tashigana bishii hore la bilaabay dhameystirka jidka Soddonka, uuna ku xigi doonno dhismaha jidka Liido. Sidoo kale waxuu sheegay in bisha Juun ee soo socota la bilaabayo waddooyinka xaafadaha (dhagaxa inter log) oo dhismahooda ay gacan ka geysanayso dawladda Jarmalka.

Isagoo ka hadlayay dhaqaalaha iyo soo celinta goobihii dalxiiska, waxuu tilmaamay G. Yarisow in hufnaanta maaliyadda iyo isla-xisaabtankuba gundhig u yihiin maamulkiisa, lacagaha soo xaroodana ay maraan Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, loona maamulo si waafaqsan sharciga maaliyadda dalka.

Sidoo kale waxuu sheegay in dhaqaalaha iyo ganacsiguba ay kor u kaceen ka badan intii hore sida lagu xusay warbixintii ay dhowaan soo saartay hay’adda lacagta adduunka, kalsoonida maal-gashiga iyo dalxiiska caalamiga ah ee Caasimadduna soo noolaanayo dibna loo howlgelinayo goobihii caanka ku ahaa dalxiiska, arintan oo ku timid rajo xasillooni iyo isbedel la dareemay.

Duqa Muqdisho oo ka hadlayay arrimaha baahinta adeegyada asaasiga ah ayaa yiri; “Waxaan hoos ugu daadejinay Degmooyinka Gobolka Benaadir adeegyadii loogu imaan jiray xarunta dhexe oo shacabka caqabado ka haysateen, waxayna hadda ka heli karaan degmooyinka Hodon, Howl Wadaag, Wadajir iyo Warta Nabadda, degmooyinka dhimanna todobaadyada soo aadan ayaa laga furi doonno xafiisyadan hadii uu Alle idmo.”

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in la hirgeliyey hab casri electronic ah kaas oo lagu diiwan gelinayo BL ka iyo Bajaajta waxayna qeyb ka qaadan doontaa la dagaalanka musuqa iyo amniga, lacagaha ay bixin doonaanna waxay si toos ugu shubayaan EVC bank, si meesha looga saaro cabashooyinkii jiray.

Arrimaha Dhulalka oo muran badan ka jiray ayuu sheegay Eng. Yarisow in wax badan laga qabtay mudadii koobeyd ee uu xafiiska joogay, cid walba oo lagu helo ku xad gudub sharci iyo warqado been abuur ahna ay mari doonto ciqaab adag. Waxuna ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in doorkooda ay ka qaataan wax walba oo lagu horumarinayo caddaaladda dalka.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in heshiiskii dhowaan laga gaaray qeybsiga Kheyraadka dalka uu gobolka Benaadir u sahlayo ka faa’iideysiga khayraadka Badaha, lana dhisayo hay’addii kaluumeysiga gobolka, si heshiisyo loola galo shirkadaha danaynaya in ay kaluumeystaan.

Mudane Yarisow oo ka hadlayay arrimaha Doorashooyinka iyo dib-u-eegista Dastuurka ayaa yiri; “Anagoo oo kaashanayna Wasaaradda Dastuurka waxaan sameyney wada tashi ku saabsan dib-u-eegista Dastuurka, waxaana u diyaar garowney daadajinta wada tashiga geedi socodka dib-u-eegista Dastuurka ee heer bulsho deegaan. Waxaan sidoo kale sameyney wada tashiyo bulsho ee dhinaca doorashooyinka anagoo kaa shanayno Gudiga madaxa banana ee doorashooyinka Qaranka.

Waxaa uu ku celceliyay guddoomiyuhu baahida loo qabo in xal waara oo ay uga baxaan barakaca loo helo dadka Soomaaliyeed ee daafaha iyo gudaha magaalada ku soo barakacay, isagoo tilmaamay in maamulkiisu uu qaaday tallaabooyin wax ku ool ah si qaxa iyo barakaca dagaallada sokeeye ka dhashay loogu helo xal maangal ah ee waafaqsan bani’aadamnimada, isla markaana qorshuhu yahay marka la gaaro sanadka 2022 dib loogu celiyo dadka barakacayaasha ah bulshadooda.

Iyadoo laga duulayo qorshaha horumarinta iyo xiriirka Caasimaddu la leedahay Caasimadaha kale, ayuu sheegay guddoomiyuhu in Casuumaad uu ka helay labada Duq magaallo ee Ankara iyo Istanbuul si Caasimaddu ay ula tartanto dunida inteeda kale.

Previous Post

Kenya oo lacago duldhigtay 8 ka tirsan argagixisada Al-shabaab

Next Post

Wasaaradda caafimaadka Galmudug oo adeegyo caafimaad u fidisay dad dan yar ah

Next Post
Wasaaradda caafimaadka Galmudug oo adeegyo caafimaad u fidisay dad dan yar ah

Wasaaradda caafimaadka Galmudug oo adeegyo caafimaad u fidisay dad dan yar ah

Marka: Dhagarqabe argagixisada u qaabilsanaa miinooyinka oo gacanta lagu dhigay

Marka: Dhagarqabe argagixisada u qaabilsanaa miinooyinka oo gacanta lagu dhigay

May 21, 2022
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa caawa waxa ay howgal ka sameyeen magalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose Howlgal ka ayaa...

Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb

May 21, 2022
0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dib ugu laabtay caasimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb,...

Madaxweynaha Dalka oo qaabilay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Madaxweynaha Dalka oo qaabilay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

May 21, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Amb. James Swann oo ka wada hadlay isbedelka dalka ka dhacay

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Amb. James Swann oo ka wada hadlay isbedelka dalka ka dhacay

May 21, 2022
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur   (Madoobe) oo maanta kulan  la qaatay Wakiilka Xog-hayaha Guud...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In