Friday, September 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 3aad” Akhriso+Dhageyso

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 1, 2016
in Maqaallo, Wararka, Wararka Raadiyahaa, Xulashada
0
Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 3aad” Akhriso+Dhageyso
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Natiijada Doorashadii Madaxweynihii 1aad ee Dowladda Soomaaliya 6dii Luulyo 1961

Kadib markii Maxkamadda Sare go’aankeeda 4tii Luulyo 1961 ay ku ansixisey Aftida Qaran, muddadii hal sanno oo ahayd xilhaynta ku-meel-gaar ah ee Madaxtooyaddana dhammaatay waxaa la iclaamiyey in 6da Luulyo 1961kii la qabto doorashada mMadaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo muddada xilhayntiisu noqomayso Lix (6) sanno. Waxaa xilkan usoo istaagay laba Musharax oo kala ah M.ne Aadan Cabdulle Cusmaan Dacar iyo M.ne Sheikh Cali Jimcaale. Nadiijada iyo sida ay dhacday doorashaduna waa sida soo socota:

Waxaa dooranaayey: Golaha Xildhibaannada Qaranka (Assemblea Nazionale /National Assembly) Tirada Xildhibaannada fadhiyey ee codeynayey waxay wareegii 3aad ahaayeen 123 Xildhibaan

Wareeg

Codadka aamusay ama xumaaday:

Cododka ansaxay:

Wadarta Cododka

Wareega Koowaad

1

119

120

Wareega Labaad

1

119

120

Wareega Saddaxaad

0

123

123

Magaca Musharraxa

Wareegga 1-aad

Wareegga 2-aad

Wareegga 3-aad

M.ne Aadan Cabdulle Cusmaan

60

59

62

M.ne Sheikh Cali Jimcaale

60

61

61

FG. Sida uu qabo Dastuurkii 1960, wareega 1aad iyo kan 2aad musharaxiinta waxay ku kala guuleysan kareen qofkii hela 82 cod oo u dhigan 2/3 tirada guud ee Xubnaha Golaha tasoo midkoodna helin. Saa daraadeed waxaa lagu kala baxay wareega 3aad oo cod hal dheeri ah Mudane Aadan Cabdulle Cismaan ku guuleystay inuu noqdo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Doorashooyinka Golayaasha Maamullada Dawladaha Hoose ee Degmooyinka: Nofeembar 1963:

Doorashooyinkani waxaa lagu xeeriyey Sharciga Lambarkiisu yahya 19 ee 14-kii Agoosto 1963 oo cinwaankiisu yahya “Local Administration and Local Council elctions” (Sharciga Doorashooyinka Golayaasha Maamulka Golayaasha Dawladaha Hoose ee Degmooyinka), laguna soo saaray Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya 3rd Seteembar 1963. Doorashadan Golayaasha Maamullada Dawladaha Hoose ee Degmooyinka waxaa ka qaybgalay oo codkooda dhiibtay in ka bada 1.300.000 muwaaddin.

Arrimaha ugu muhiimsan ee lagu xeeriyey sharcigan waxaa ka mid ah:

  1. Si waafaqsan Qodobka 2-aad ee sharcigan, Wakiillada Golayaasha Maamulka Dawladaha Hoose iyo Maamullada Degmooyinka waxaa lagu soo doortay mabda’a doorashada oo ay ragga iyo haweenkuba xaq u leeyihiin una siman yihiin codeynta, oo loo yaqaan ((universal suffrage), waxaana lagu fuliyey nidaamka qofkiiba-hal-cod, (one-man-one-vote system). Codeyntu waxay ahayd mid shakhsi ah, loo siman yahya, xor ah, doorasho toos ah oo qarsoodi ah.

  2. Isla Qodobka 2-aad ee sharcigan wuxuu xeeriyey in Muwaadin kasta ha ahaado lab ama Dheddig, oo sannadka doorashooyinka la qabanaayo 18 jirsada waxay xaq u leeyihiin in ay codeyaan. Waxaase shardi aha in dhimirkiisu dhan yahya, in gaboodfal uu galay awgeed aan lagu ridin xukun ka mamnuucaya inuu xil ka qabto xafiisyada Dawladda, ama xukun looga qaadin xaqqa codeynta ama dembi uu galay awgeed xabsi ku jira.

  3. Si waafaqsan Qodobka 3-aad ee sharcigan wuxuu xeeriyey in muwaadin kasta oo ay da’diisu ugu yaraan 25 jirsada sanadka doorashada la qabanayo , oo karti u leh wax-akhris iyo far-qorista waxay xaq u leeyihiin in loo dooran karo Golayaasha wakiillada Maamulka Dawladaha Hoose iyo Maamullada Degmooyinka, aan ka ahayn xubnaha ka shaqeeya Laanta Garsoorka, Ciidammada Qalabka Sida ama xoogagga u habeysan nidaam ciidan-u-yaal (Paramilitary), Shaqaalaha iyo Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Madaxda Maamullada Degaannada hoostaga Dawladaha Hoose ee Degmooyinka (Governatore Regionale, Commissario Distrettuale & Delegato Distrettuale) Maadaama ay ka mid yihiin Shaqaalaha Rayadka ah ee Dawladda, shaqaalaha Xafiisyada Dawladda ee Gobollada iyo shaqaalaha ka shaqeeya degmooyinka iyo shaqaalaha Maamullada Degaannada oo kuraasta golayaasha degmooyinkooda iyo degaannadooda loo tartamayo.

  4. Si waafaqsan Qodobka 7-aad, Habka kuraasta loogu kala guuleysto wuxuu ahaa wadarta tirada guud ee codadka ansaxa ah oo loo qaybiyo tirada kuraasta Mattalaadda Golaha degmadu leedahay, ka dibna tirada codadka soo hartay oo dib loogu sii qaybiyo kuraasta harsan.

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2016/11/Qeybta-3aad.mp3

La Soco Qeybta 4aad Insha Allah

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyihii hore ee NISA

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyihii hore ee NISA

September 19, 2025
Wasiirka  Amniga Galmudug oo kormeeray hannaanka shaqo ee Saldhigga Booliiska Gaalkacyo

Wasiirka Amniga Galmudug oo kormeeray hannaanka shaqo ee Saldhigga Booliiska Gaalkacyo

September 18, 2025
Previous Post

Madaxwaynaha J. F. Soomaliya oo hambalyo u diray kooxda kubbada cagta ee Jeenyo (L.L.P.P)

Next Post

Madaxweynaha oo xariga ka jaray Xaruntii Ciidamada Cirka ee Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Next Post
Madaxweynaha oo xariga ka jaray Xaruntii Ciidamada Cirka ee Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Madaxweynaha oo xariga ka jaray Xaruntii Ciidamada Cirka ee Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyihii hore ee NISA

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyihii hore ee NISA

September 19, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Taliyihii hore ee Nabadsugidda Qaranka,...

Wasiirka  Amniga Galmudug oo kormeeray hannaanka shaqo ee Saldhigga Booliiska Gaalkacyo

Wasiirka Amniga Galmudug oo kormeeray hannaanka shaqo ee Saldhigga Booliiska Gaalkacyo

September 18, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Mudane Aadan Warsame Cilmi (Deeq Gargareeto) ayaa maanta booqasho iyo kormeer shaqo ku tagay saldhigga Booliska...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay wada-tashi la xiriira hirgelinta Shabakadda Isgaarsiinta Isku-xiran ee Geeska Afrika

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay wada-tashi la xiriira hirgelinta Shabakadda Isgaarsiinta Isku-xiran ee Geeska Afrika

September 18, 2025
0

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa qabatay wada-tashi ku saabsan hirgelinta Shabakadda Isgaarsiinta Isku-xiran ee Geeska Afrika (ONA), oo ah hindise...

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

September 18, 2025
0

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa uga warbixiyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka howlaha muhiimka ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In