Monday, May 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 4aad” Akhriso+Dhageyso

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 2, 2016
in Maqaallo, Wararka, Wararka Raadiyahaa, Xulashada
0
Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 3aad” Akhriso+Dhageyso
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay xaflad abaalmarin lagu bixinayay

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay xaflad abaalmarin lagu bixinayay

May 11, 2025
Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo la guddoonsiiyay Hadimo sharafeed

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo la guddoonsiiyay Hadimo sharafeed

May 11, 2025

Doorashada Golaha Sharcidejinta Qaranka ee 30 Maarso 1964:

Doorashooyinkan waxaa lagu maamulay Shargiga Lambarkiisu yahay Lr. 4 ee 22 Jannaayo 1964. Doorashada xilligan oo la qabtay Maarso 1964 waxaa ka qaybgalay oo codkooda dhiibta 914.069 muwaadin soomaaliyeed.

Arrimaha ugu muhiimsan ee lagu xeeriyey Sharcigan Doorashooyinka:

  1. Si waafaqsan Qodobka 2-aad ee sharcigan, 123 xildhibaan ee Golaha Sharcidejinta Qaranka waxaa lagu soo doortay mabda’a doorashada oo ay ragga iyo haweenkuba xaq u leeyihiin una siman yihiin codeynta ((universal suffrage), waxaana lagu fuliyey nidaamka qofkiiba-hal-cod, (one-man-one-vote system). Codeyntaas oo ahayd mid shakhsi ah, loo siman yahya, xor ah, doorasho toos ah oo qarsoodi ah.

  2. Isla Qodobka 2-aad ee sharcigan wuxuu xeeriyey in Muwaadin kasta oo rag iyo haweenba leh, oo ugu yaraan sannadka doorashooyinka la qabanaayo 18 jirsaday waxay leeyihiin xaqqa codeynta. Waxaase shardi ah in miirkiisu u dhan yahya, in gaboodfal uu galay awgeed aan lagu ridin xukun ka reebaya inuu xil ka qabto xafiisyada Dawladda, ama xukun looga qaadin xaqqa codeynta ama dembi uu galay awgeed xabsi ku jira.

  3. Sharcigan wuxuu Qodobkiisa 3-aad ku xeeriyey in muwaadin kasta oo ugu yaraan 25 jirsaday sanadka doorashada la qabanayo , oo karti u leh wax-akhris iyo far-qorista waxay xaq u leeyihiin in loo dooran karo Golaha Sharcidejinta Qaranka, waxaase ka reeban xubnaha ka shaqeeya Laanta Garsoorka, Ciidammada Qalabka Sida ama xoogagga u habeysan nidaam ciidan-u-yaal (Paramilitary), iyo Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Madaxda Maamullada Degaannada hoostaga Dawladaha Hoose ee Degmooyinka, iyo shaqaalaha ka shaqeeya Xafiisyada Gobollada iyo degmooyinka iyo shaqaalaha Maamullada Degaannada oo kuraasta golayaasha degmooyinkooda iyo dergaannadooda loo tartamayo.

  4. Si waafaqsan Qodobka 7-aad ee sharcigan, habka kuraasta loogu kala guuleystay oo xildhibaanada lagu soo doortay wuxuu aha: – wadarta tirada guud ee codadka ansaxa ah oo loo qaybiyo tirada kuraasta Mattalaadda Degaan-doorashada degmadu qoondo ahaan ugu leedahay Mettelaadda Golaha Qaranka ee Sharcidejinta, ka dibna tirada codadka soo haray oo dib loogu sii qaybiyo tirada kuraasta harsan.

Degaandoorashooyin dhowr ah ayaa cabashooyin ka yimid ayagoo ka dacwooday musuqmaasuq ama ku shubasho, waxaana ka mid ahaa degmooyinka Cadale, Aadan Yavaal, Laas Caanood, Hargeisa Caluula, Balcad, Beledweyne, Marka, Berbera, Boosaaso, Gar’adag, Qandala Kismaayo, Dhuusomareeb, Oodweyne, Iskushuban iyo Wanleweyn (Dafet).

Maxkamadda Sare waxay caddaysay in dhammaan dacwooyinkaas aysan lahayn saldhig lana oggolaan karin, aan ka hayn Dacwadda Degmada Marka. Guddoomiyaha Xafiiska Doorashada Degmada Marka ayaa ku dhawaaqay in doorashooyinka degmada oo dhan tahay wax-kama-jiraan loona baahan yahya in loo qabto doorasho cusub.

Waxaa Maxkamadda u dacwooday dadkii danaynayey oo ku dooday in gudoomiyuhu uusan awood u lahayn inuu baabi’yo doorashada. Maxkamadda Sare waxay caddeysay in sida uu qabo Sharciga doorashooyinka, Guddoomiyaha ma laha awood aan ka ahayn inuu saxo tirinta codadka, awoodiisu waxay ku koobnayd oo keliyain uu wax-kama-jiraan ka dhigo 300 cod laysku haysto kana jaro codadka codadka loo xisaabiyey xisbiga SYL Saa daraadeed Maxkamaddu waxay burisay go’aankii guddooomiyaha Degaandoorashada Degmada Marka, waxayna ku amartay in hal kursi loo ansixiyo xisbiga SDU hal kursina Xisbiga SNC. Amarkaas laba maalmood gudahood ayaa lagu fuliyey, sidaa ayey M.ne Xaaji Maxamed Xusein (SDU) iyo M.ne Xaaji Faarax Cali (SNC) kuraastoodu ku heleen kuna fariisteen Golaha Shacabka, Musharraxii SYL M.ne Cabdullahi Insaaniya, oo ahaa siyaasi weyn looga guuleystay.

Natiijada Doorashooyinka Golaha Sharcidejinta Qaranka ee 1964

Doorashadii Golaha Sharcidejinta Qaranka 3-aad ee 30 Maarso 1964

Codadka ansaxa noqday: 914.069

Waxayna axsaabta ugu kala guuleysteen sidan:

Magaca Xisbiga

Tirada Codadka

Xisbigu helay

U dhigma boqolkiiba %

Tirada Kuraasta (123)

Xisbiga Somali Youth League (SYL)

472,296

51.67%

69

Xisbiga Somali National Congress (SNC)

186,208

20.37%

22

Xisbiga Somali Democratic Union (SDU)

95,707

10.47%

15

Xisbiga Somali Independent Constitutional Party (HDMS)

80,173

8.77%

9

Xisbiga United Somali Party (USP)

7,552

0.83%

1

Xisbiga Liberal Somali Youth Party (PLGS)

6,766

0.74%

1

Xisbiga Somali National League (SNL)

4,354

0.48%

1

Xisbiga Somali African National Union (SANU)

3,930

0.43%

1

Isugeynta axsaabta kale heleen

57,083

6.24%

4

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2016/11/Qeybta-4aad.mp3

La Soco Qeybta 5aad Insha Allah

Previous Post

Barakacayaalkii ugu horeeyey ee ka soo qaxa Qandala oo soo gaarey Boosaaso

Next Post

Jaaliyadda Soomaalida ee Johannesburg oo kulan casho ah u sameeyay Prof Cabdirisaaq “SAWIRRO”

Next Post
Jaaliyadda Soomaalida ee Johannesburg oo kulan casho ah u sameeyay Prof Cabdirisaaq “SAWIRRO”

Jaaliyadda Soomaalida ee Johannesburg oo kulan casho ah u sameeyay Prof Cabdirisaaq "SAWIRRO"

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay xaflad abaalmarin lagu bixinayay

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay xaflad abaalmarin lagu bixinayay

May 11, 2025
0

Xafladda Somali Night Awards oo ay soo qaban qaabiyeen dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Danjiraha...

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo la guddoonsiiyay Hadimo sharafeed

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo la guddoonsiiyay Hadimo sharafeed

May 11, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa hadimo-sharafeed soo dhaweyn ah u sameeyey Hoggaamiyaha Dowlad...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah

May 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay...

Hay’adaha DFS oo isugu yimid kulan looga hadlayay Qorshaha Qaran  ee la dagaalanka isbeddelka cimilada

Hay’adaha DFS oo isugu yimid kulan looga hadlayay Qorshaha Qaran ee la dagaalanka isbeddelka cimilada

May 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Hay’adaha dowladda federaalka ayaa maanta isugu yimid kulan muhiim ah oo lagu lafagurayo, laguna ansixinayo Qorshaha Qaran ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In