Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tiirarka Muhiimadda Waxbarashada

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Tiirarka Muhiimadda Waxbarashada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxbarashadu waa aalad awood badan xilli kasta ee la joogo, xaqiiqdana waxay tahay in qallinku ka awood badan yahay noocyada kala duwan ee hubka sida Β xabadda,qoriga iyo midindida, Jahada aad waxbarashadda ka bilaabeyso waxa ay go’aamisaa mustaqbalka noloshaada, marka aad dib u eegto 50-sano ama 70-sano, dad badan ayaa ka badbaaday aqoon la’aanta,marka aad qooraansato tartanka ardayda aduunku ay samaynayaan, waxa aad dareemeysaa in lagu kala horeeyo agabka waxbarashada la heli karo, iyo qaabka waxbaridda.

Haddii aad dooneyso in aad hiigsato mustaqbal iftiimaya ,waa inay maskaxdaada markasta is weydiisaa su’aashaan ah sideed uga gungaari kartaa yoolka horumar ee bartilmaameedka u ah noloshaada? haddii aad doonayso inaad waxbarashadda ka guul-gaarto fadlan, wax u baro si xariira.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

1.Waxaad heleysaa xushmad ama tixgalin kaaga imaaneyso qof kasta iyo meel kasta

Xushmadu waa kaydka ugu qiimaha badan noloshaada. Waxbarashadu waa furaha ugu awoodda badan, kaas oo lagu hanto maamuus sare,haddii aad tahay qof aqoon leh, waxa aad heli doontaa tixgalin taasoo kaaga imaaneyso qof kasta iyo meel kasta.

Dabcan, bulshadu way tixgalisaa qofka taajirka ah waliba si wanaagsan, laakiin meelkasta laguma tixgaliyo. Marka ugu horeyso ee aad dad la kulanto, ayagu kuma weydiinayaan waxa aad qabato? Sida xaaladaada, laakiin dadku waxa ay qiyaasaan xirfaddaada. Haddii aad dooneyso inaad noqoto qof xirfad wanaagsan leh waxa aad u baahan tahay inaad si fiican wax u barato,

Sidaa awgeed waxbarashadu waxa ay si fudud kuu siisaa tixgalin dadka ay kugu tixgaliyaan, bal maleyΒ Bill gateΒ waxa uu ku dhacay jaamacadda HARVARD UNIVERSITY, laakiin hadda wuxuu ka mid yahay dadka ugu tixgalinta badan caalamka, Wuxuuna ku mutaystay wuxuu caalamka ku soo kordhiyay teknaloojiyo casrigan aad loogu baahi qabo. Laakiin ogowΒ Bill gateΒ ma uusan ahaynΒ  jaahil, waxa uu qiimahaas ku mutaystayna waa aqoontiisa uu ficil u badalay.

Steve JobsΒ waxa uu ku dhacay College ka REED COLLEGE, laakiin waxa uu ka mid ahaa aas’aasayaashi shirkadda Apple shirkaddaasoo ka mid ah kuwa loogu tixgalinta badan yahay caalamka.

2.Waxbarashadu waxay beddeshaa caadooyinkada/dhaqamadaada

Ma helaysid meel ka wanaagsan Iskoolka kaasoo aad ku baraneyso dhaqamada asaasigaa, shay kasta oo aad ku baraneyso xaruntaada waxbarashada Β waxa uu saameyn adag ku yeelanayaa noloshaada maalin laha ah. Waxbarashadu kaliya ma saamayso maskaxada laakiin sidoo kale waxay bedeshaa caadooyinka xun xun.

3.Shaqo ayaad ka heleysaa meel kasto

Waxaa jiro habab lacag loo sameeyo, waxaa nagu waajiba ah inaan shaqa fiican la imaano,Β  ka soo qaad maalin kasta waxaa soo qalin jabiya arday xaqiiqa ahaan si adag ayey shaqo u raadinyaan, hadaba dadka aan waxbaran siday shaqo u raadinayaan? Waxbarashadu waxay u baahan tahay qaabkii aad ugu gudbi lahayd tilaabadda xigta.

Haddii aad haysato Shahaadada Bachelor, DiplomaΒ  ama shahaadda kale, waxaad heli doontaa shaqo meel ay ahaataba, laakiin wax ka hooseeyo lama hubo waqtigaan la joogo, haddii aadan haysan wax shahaada ah rajo miyaad ka qabtaa shaqo xafiiseed ,Kaliya waxaad qaban kartaa shaqooyinka aan xirfadda aqooneed u baahnayn sida xamaaliga, si aad u dhacsato noloshaada maalinlaha ah.

Qaarada Qaaradda Aasiya xitaa ma helaysid shaqada xamaaliga ah haddii aadan wax shahaada ah haysan, sidaa darteed bal ka fikir faa’iidada wax barashada ay u leedahay noloshaada, hase noqonin waligaa jaahil xitaa in yar oo noloshaada ka mid ah.

4.Waxbarashadu waxay sameysaa saaxiibo

Waxaa jiro farqi badan oo u dhexeeyo saxiibtinimadda, sida saaxiibadii sanaddii 1994 iyo saaxiibadda 2019. Waayadii hore waxbarashadu ma ahayn wax ay sidaas ugu sii wayn tahay sameysashada saxiibo. Laakiin hadda waxaa muhiim ah inay kugu hareereysan yihiin saaxiibo heerkoodda aqooneed sareeyo,Β  ka hadli maayo dhammaan dadka dunida ku nool, laakiin waxaan ka hadlayaa inta ugu badan dadkaas. Sida loo sameysto saxiibo cusub, waa inaad la saaxiibtaa dadka aqoonta ama Khibradda ama waaya’aragnimada leh,haddii aadan laheyn mid ka mida labadaan,ma helaysid Sallaankii ama jaranjaradii aad ku gaari lahayd tubta horumarka.

5.Β Maamulida waqtigaada/lacagtaada

Maamulida waqtigaada ama lacagtaada waa laba arrimood oo muhiim ah, marka loo eego maanta iyo nolosha maalin laha ah, laakiin aqoon la’aan, way adag tahay in loo maamulo waqtiga iyo lacagta si xirfad leh. Labadaan aaladood waxay u saameeyaan noloshaada si dhab ah.

W/Q: Daljir Cabdullaahi Nuur

EMAIL:Β [email protected]

W/ Dib u Habeeyay: Gobdoon

Previous Post

Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo Siminaar u qabatay Ururada Bulshada rayidka”Dhageyso”

Next Post

Wasiirka warfaafinta oo kormeer shaqo ku tagey Tiyaatarka Qaranka+(Swirro))

Next Post
Wasiirka warfaafinta oo kormeer shaqo ku tagey Tiyaatarka Qaranka+(Swirro))

Wasiirka warfaafinta oo kormeer shaqo ku tagey Tiyaatarka Qaranka+(Swirro))

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In