Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tirada Saxafiyiinta ku dhintay duqeymaha Isra’iil ay ka waddo Qaza oo sii kordhay

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Tirada Saxafiyiinta ku dhintay duqeymaha Isra’iil ay ka waddo Qaza oo sii kordhay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafiiska midowga warbaahinta marinka Qaza ayaa goordhaw ku dhawaaqay geerida labo Wariye oo uu ka mid yahay wiil uu dhalay Madaxa Xafiiska Al Jazira Waa’il Al-Daxduux, kadib duqeyn ay Ciidamada Israa’iil ka geysteen magaalada Khan Yoonis ee koonfurta marinka Qaza, taasoo tirada Saxafiyiinta ku geeriyooday duulaan Isra’iil ay ka waddo dhulka Falastiin ka dhigeyso 109 Wariye.

Wariye lagu magacaabo Xamza oo uu dhalay Madaxa Xafiiska Al Jazira ee Marinka Qaza Waa’il Al-Daxduux oo dhawaan qudhiisa ku dhaawacmay duqeeymo halkaas ka dhacay iyo Mustafa Thuraya ayaa goordhaw ku geeriyooday duqeyn ay Israa’iil kula beegsatay Galbeedka magaalada Khan Yoonis ee Koonfurta Marinka Qaza.

Related posts

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
Wasiirka  Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2026

Duqeynta ayaa lala beegsaday gaari ay la socdeen Saxafiyiintan  oo marayay agagaarka degaanka Al-Mawaasi oo dhanka Koonfur-galbeed kaga beegan Marinka Qaza, xilli ay ku guda jireen howl maalmeedkooda.

Xafiiska midowga warbaahinta Qaza, ayaa ugu baaqay dhamaan ururada saxaafada, kooxaha xuquuqul insaanka iyo hay’adaha sharciga in ay cambaareeyaan fal dambiyeedkan soo noqnoqday, waxa kale oo ay ku baaqeen in cadaadis lagu saaro Isra’iil joojinta dagaalka xasuuqa ah ee lagu hayo dadka rayidka ah ee ku sugan Marinka Qaza.

Previous Post

Doorashada madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland oo maanta ka dhacaysa Garoowe

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh “Wixii ka dhacay 1-dii bishaan Addis Ababa waxa uu ahaa duulaan qaawan”

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh “Wixii ka dhacay 1-dii bishaan Addis Ababa waxa uu ahaa duulaan qaawan”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Wixii ka dhacay 1-dii bishaan Addis Ababa waxa uu ahaa duulaan qaawan”

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriya u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya ahna Mudane Kang Hyung-Shik, ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya...

Wasiirka  Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee...

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

September 14, 2026
0

Waxaa Soomaaliya laga hirgelinayaa qorshe cusub oo lagu taageerayo ganacsatada yar-yar ee Soomaaliyeed, kaas oo diiradda saaraya sidii loo fududeyn...

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

September 14, 2026
0

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ee BJFS, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah, ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In