Monday, June 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tiradii ugu badnayd ee Bukaan jiifka xaaladaha adag ee COVID19 ka bogsooday oo ka baxay Isbitaal Martiini

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo kulan dhiirri gelin ah la qaatay Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee la tacaalaya xakameynta cudurka COVID-19 “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Isbitaalka u gaarka ah la tacaalidda safmarka COVID19 ee Martiini ayaa shaaciyay in 42 bukaan oo kamid ah kuwa xaaladahoodu adkaayeen ay bogsoodeen oo isbitaalka ay ka soo baxeen. 34 kamid ah ayaa lab ahaa halka 8-da kale ay dhidig ahaayeen.

Inta badan bukaannadan ayaa isbitaalka la seexiyay kadib markii ay ku adkaatay neefsasahda, kadibna lagu xiray qalab u fududeeya inay neefsiga. Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib markii sare loo qaaday adeegga caafimaad ee Isbitaalka laguna soo kordhiyay agab casri ah.

Related posts

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

June 22, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

June 22, 2026

Baadi Duqoow Macallin oo muddo todobaad ah ku jiray isbitaalka, waxuu ka baxay xaaladdii adkayd, dhaqaatiirta ayaana u oggolaaday inuu gurigiisa isku karantiilo, waxa uu sheegay in uu isbitaalka yimid isaga oo aan eheladiisa ogeysiinin sababo la xiriiro cabsi laga qabay inuusan daryeel ka helin, balse uu isbitaalka kala kulmay arrin kaa ka duwan.

“Waxaan halkan imid aniga oo iska quustay, neefstuna igu xirmeyso, oo ay yartahay rajadeydu, Alxamdulillaah maantana cagaheyga ayaan uga baxayaa. Been fakatay run ma gaarto ee waxa aan filaayay iyo waxa aan halkaan kala kulmay waa kala duwan yihiin” ayuu yiri Baadi Duqoow.

Dadka da’da ah ee gaara xaaladaha adage e neefsiinta u baahan, aad ayey u yar tahay inay ka badbaadaan, balse nasiib wanaag tiro badan oo bukaannadaas ah ayaa bogsooday, iyada oo guryahooda loo fasaxay, xaaladdoodana ay dhaqaatiirtu la socon doonaan.

Dahabo Xasan oo isbitaalka la keenay iyada oo miir-daboolan, waxay ku dardaarantay inaan isbitaalka Martiini la geynin, balse ehelkeeda markii ay ku arkeen astaamaha COVID19 ayey ula soo carareen.

“Xaalado adag ayaa isoo maray intaanan isbitaalka ley keenin, habeen dhan ayaan koomo galay, kadibna si qasab ah ayey reerkeyga halkaan igu keeneen, ilaaheey mahaddiis hadda waxaan marayaa in gurigeyga la ii fasaxo anigoo caafimaad qaba”, ayey tiri Dahabo Xasan.

Isbitaalka oo lagu sameeyay horumarin ballaaran waxaa ka howl gala dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal isu bedela shaqada oo xilli kasta heegan u ah inay adeegga caafimaad ee ay u baahanyihiin siiyaan dadka xanuunku soo rito ee isbitaalka lasoo gaarsiiyo. Maamulka Isbitaalka ayaa bahda caafimaadka uga mahad celiyay sida ay uga go’antahay horumarinta caafimaadka bulshada iyo xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona.

Dadka ka baxa isbitaalka ee guryahooda isku baxniininaya ayaa isbitaalka kusoo laabta todobaadkiiba mar si baaris dheeri ah loogu sameeyo, loona xaqiijiyo inuu Feyrusku jirkooda ka dhamaaday.

Dowladda ayaa hirgelisay xarunta xariirka COVID19 oo ka kooban taleefoon gaaban oo dadku si toos ah usoo wacayaan iyo hab (Application) taleefannada lagu degsado oo dadka isaga shakiya xanuunka ay kula xariirayaan dhaqaatiirta si ay u helaan talo caafimaad iyo gargaagka ay u baahanyihiin, waxaana hirgelinta xaruntaasi ay fududeysay in bulshada lagu xiro Xarumaha caafimaadka ee loo asteeyay la tacaalidda Feyruska Karoona.

 

 

Previous Post

Wasiirka Caafimaadka Oo Ka War Bixisay Xaaladaha COVID19 Ee Dalka Laga Diiwaan Geliyay “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo kulan dhiirri gelin ah la qaatay Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee la tacaalaya xakameynta cudurka COVID-19 “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo kulan dhiirri gelin ah la qaatay Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee la tacaalaya xakameynta cudurka COVID-19 “SAWIRRO”

Madaxweyne Farmaajo oo kulan dhiirri gelin ah la qaatay Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee la tacaalaya xakameynta cudurka COVID-19 "SAWIRRO"

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

June 22, 2026
0

Nairobi, Kenya – 22 Juun 2026 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashanaysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah (IFC), ayaa maanta...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

June 22, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud oo ku guda jira dardargelinta howlaha diyaarinta maalmaha Xorriyadda,...

Dhaqaatiirta Isbitaalka Al-Ixsaan oo baritaano caafimaad oo lacag la’aah u sameeyay shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta

Dhaqaatiirta Isbitaalka Al-Ixsaan oo baritaano caafimaad oo lacag la’aah u sameeyay shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta

June 22, 2026
0

Dhaqaatiirta Isbitaalka Al-Ixsaan ee Muqdisho ayaa maanta Howladeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS u sameeyay baaritaan caafimaad oo...

Guddoonka Labada Aqal oo ka tashaday furitaanka kalfadhiga 8-aad ee BJFS 

Guddoonka Labada Aqal oo ka tashaday furitaanka kalfadhiga 8-aad ee BJFS 

June 22, 2026
0

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In