Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tiro dad ah oo loo qabtay qaraxii maanta ka dhacay Kismaayo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
50 Maxaabiis ah oo maanta laga sii daayay xabsiyada magaalada Kismaayo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qaraxan ismiidaaminta ah oo ka dhacay xaruunta Jaamacadii hore ee Kismaayo haatana ah xero lagu tababarayo ciidamada isku dhafka ah  ayaa ku geeriyootey 13 ruux, aydoo ay ku dhaawacmeen dad lagu qayasayo ku dhawaad 30 qof sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada.

Falkani  qaraxa naftii halignimada ah ayaa loo adeegsaday gaari noociisu ahaa (Nooh) oo uu watay shaqsiga isqarxiyay, kaasi oo gudaha u galay xerada, iyadoo halkaasi uu ku qarxay, saraakiil ka tirsan ciidamada isku-dhafka ee ciidanka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen ragii la socday shaqsiga isqarxiyay, isla mar ahaantaana baaritaano lagu hayo.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Col. Axmed Caato oo ah kuxigeenka taliyaha ciidanka iskudhafka ah ayaa faah faahiyaay sida ay wax u dheceen iyo baaritaanada socda.

“Saake markey ahayd sideedii subaxnimo ayaa cadowgii UGUS, uusoo weeraray xeradii ciidanka isku dhafka ah dugsigii Kismaayo qasaare wey jirtaa dhimasho iyo dhaawac, dib ayaana kasoo sheegi doonaa, waana la caabiyay, iyagoo ma aragtay isku dayeen in ay qarax labaad iyo howlo kaleba ay fuliyaan, illaah baa mahadleh dhimasho iyo dhaawacba wey jiraan laakiin natiijada dib baan kasoo sheegi doonaa, gaariga isqarxiyay Nooho oo cad ayu ahaa gaari ismiidaamin ayuu ahaa oo magaalada ka yimid, gaariga aniga lafteeyda waan dabasocday magaaladuu ka yimid albaabkii hore ee laga soo gali jiray kamuunan soo gelin wado jidcade ahoo Jaamaca qarkeeda ayuu kasoo leexday Jaamacadaan gali rabay aniga waan arkayay gaariga leexanayo, markii uu gaariga leexday oo an Jaamacada albaabkeeda aan taaganahayna qaraxa ayaan amqlay markaan kusoo noqonayna, waxaan aragnay qasaaraha uu geestay wixii kale ee daba socdayna waa la qabtay ee mucaamalaad iyo ragii ka dambeeyoo dhan waan heeynaa hada baarisbaana ku socota”ayuu

Marka laga soo tago falalka naf lacaariga ah oo ay mararka qaar geysteen koxda UGUS, waxaa marqaati ma doonto ah in looga itaal roonaaday gulufka militeriga oo ka socda gobolada dalka Soomaaliya, Shabaab ayaa lumiyay dhul badan, waxaana u dambeyeey degmooyinka Diinsoor, iyo Baardheere oo ka kala tirsan gobolada Baay iyo Gedo, kuwaasi oo istaaratiijiyada u lahaa falaagaga Shabaab.

Aadan Maxamed Salaad

 

 

Previous Post

Baarlamaanka oo ansixiyay dib u eegista Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka

Next Post

Dhalinyaro ku xanuunsan Xeryaah qaxootiga Dhadhaab oo codsaday in la caawiyo “SAWIRRO”

Next Post
Dhalinyaro ku xanuunsan Xeryaah qaxootiga Dhadhaab oo codsaday in la caawiyo “SAWIRRO”

Dhalinyaro ku xanuunsan Xeryaah qaxootiga Dhadhaab oo codsaday in la caawiyo "SAWIRRO"

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In