Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Todobaadka Xoriyadda Soomaaliya oo siweyn looga dabaal degay Masar+sawiro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Todobaadka Xoriyadda Soomaaliya oo siweyn looga dabaal degay Masar+sawiro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad ballaaran oo ka dhacday magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa siweyn loogu xusay todobaadka Xoriyadda Soomaaliya,taasi oo qeyb ka ah dabaaldegyo lagu qabtay gudaha iyo dibadda dalka meelkasta oo ay kunool yihiin jaaliyadaha Soomaaliyeed.

Waxaa ka qeybgalay xafladaasi oo ay soo qaban qaabiyeen ardayda Soomalaiyeed ee Masar oo uu guddoomiye u yahay Cali Ibraahim Caanooy,kusimaha safiirka Soomaaliya ee Dalkaasi Masar ahna safiir kuxigeen Danjire Ilyees Sheekh Cumar,mas’uuliyiinta safaaradda,xildhibaano ka tirsan  baarlamaanka Soomaaliya,aqoonyahano iyo ardayda Soomaaliyeed ee ku dhaqan halkaasi.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Muddane Ilyees Sheekh Cumar kusimaha safiirka Soomaaliya ee Dalkaasi Masar ahna safiir kuxigeen oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa hambalyo ku aadan xoriyadda Soomaaliya u diray madaxda Qaranka oo uu ugu horeeyo madaxweynaha JFS iyo shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.

Ilyees Sheekh Cumar ayaa sheegay in halgan dheer loo soo maray xornimo gaarsiinta Soomaaliya,isagoo ku booriyay bulshada in ay u istaagaan sidii looga wada shaqeyn laha midnimada iyo wada jirka umadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale xildhibaanadii ka hadlay munaasabadaasi ayaa hambalyada la wadaagay shacabka Soomaaliyeed iyo madaxda dowladda,waxaana ay jaaliyadda SOomaaliyeed ee Masar uga warameen horumarada ka jira Soomaaliya,iyagoo ku dhiirogeliyay in ay ka qeyb qaataan horumarka dalkooda.

Previous Post

Qodobo laga soo saaray Shir looga hadlayay arrimaha maalgashiga dalka oo Muqdisho ka dhacay+sawirro

Next Post

R/wasaare Kheyre oo kormeer shaqo ku tagay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed “Sawirro”

Next Post
R/wasaare Kheyre oo kormeer shaqo ku tagay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed “Sawirro”

R/wasaare Kheyre oo kormeer shaqo ku tagay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed “Sawirro”

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In