Munaasabad ballaaran oo ka dhacday magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa siweyn loogu xusay todobaadka Xoriyadda Soomaaliya,taasi oo qeyb ka ah dabaaldegyo lagu qabtay gudaha iyo dibadda dalka meelkasta oo ay kunool yihiin jaaliyadaha Soomaaliyeed.
Waxaa ka qeybgalay xafladaasi oo ay soo qaban qaabiyeen ardayda Soomalaiyeed ee Masar oo uu guddoomiye u yahay Cali Ibraahim Caanooy,kusimaha safiirka Soomaaliya ee Dalkaasi Masar ahna safiir kuxigeen Danjire Ilyees Sheekh Cumar,mas’uuliyiinta safaaradda,xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya,aqoonyahano iyo ardayda Soomaaliyeed ee ku dhaqan halkaasi.
Muddane Ilyees Sheekh Cumar kusimaha safiirka Soomaaliya ee Dalkaasi Masar ahna safiir kuxigeen oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa hambalyo ku aadan xoriyadda Soomaaliya u diray madaxda Qaranka oo uu ugu horeeyo madaxweynaha JFS iyo shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.
Ilyees Sheekh Cumar ayaa sheegay in halgan dheer loo soo maray xornimo gaarsiinta Soomaaliya,isagoo ku booriyay bulshada in ay u istaagaan sidii looga wada shaqeyn laha midnimada iyo wada jirka umadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale xildhibaanadii ka hadlay munaasabadaasi ayaa hambalyada la wadaagay shacabka Soomaaliyeed iyo madaxda dowladda,waxaana ay jaaliyadda SOomaaliyeed ee Masar uga warameen horumarada ka jira Soomaaliya,iyagoo ku dhiirogeliyay in ay ka qeyb qaataan horumarka dalkooda.