Friday, February 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Turkiga oo ku gacan sayrey hindise madaxweynaha Faransiiska soo jeediyay

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Turkiga oo bogaadiyay dib u soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed Soomaaliya iyo Kenya

Turkey flag background

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

February 13, 2026
AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

February 13, 2026

Turkeyga ayaa ku gacan seertay baaq ka yimid madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo ahaa in dhammaan quwadaha shisheeye ay ciidamadooda kala baxaan Libya.

Dalka Libya ayaa waxaa ka socday dagaal sokeeye tan iyo markii xukunka laga tuuray kaligii taliye Mucamar Qadafi, oo ku baxay kacdoonkii 2011.

Turkey ayaa Libya u dirtay ciidamo iyo maleeshiyaad Suuriyaan ah oo ku xiran si ay u xoojiyaan dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Tripoli, halka Russia iyo dalal kale ay taageerayaan kooxda bariga Libya ee uu hoggaamiyo Jeneraal Khalifa Haftar.

Macron ayaa ka sheegay shirka caalamiga ah ee Libya ee Jimcihii ka dhacay Paris “In Russia iyo Turkey ay calooshood u shaqeystayaashooda kala baxaan Libya ayada oo aan dib loo dhigin.”

Hase yeeshee la-taliyaha sare ee siyaasadda arrimaha dibedda ee madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa AFP u shaqeeya in diiradda oo la saaro in si deg deg ah ay ciidamada uga baxaan Libya “ay tahay khalad.”

“Haddii aad ka dhigto bixitaanka ciidamada shisheeye ee Libya tan ugu muhiimsan, waxaan aaminsannahay in taasi ay tahay khalad,” ayuu yiri Ibrahim Kalin.

“Libya waxay u baahan tahay in laga taageero hannaankeeda siyaasadda, doorashooyinka iyo arrimaha dhaqaale,” ayuu yiri Kalin oo tixraacaya doorashooyinka madaxweyne ee madaxda caalamka ay doonayaan inay dhacaan 24-ka December.

France ayaa ayada xitaa lagu eedeeyaa inay taageero Khalifa Haftar, balse waa ay iska fogeysay.

Turkey ayaa Paris u dirtay wafdi heerkiisu hooseeyo, taasi oo astaan u ah sida aysan ugu faraxsaneyn mowqifka siyaasadda arrimaha dibdda Macron.

Kalin ayaa sheegay in joogitaanka militari ee Turkey ee Libya ay gacan ka gaysan doonto xasilloonida siyaasadeed iyo tan amni ee dalkan hodanka ku ah tamarta.

“Joogitaankeena militari ee halkaas waa inaan caawino tababarka ciidamada Libya,” ayuu yiri.

“Waxaan halkaas u joognaa quwad xasilin ahaan iyo caawinta shacabka Libya. Muhiimaddeenuna, marka ay noqoto amniga, waa inaan reer Libya ka caawinno dhismaha ciidamada qaranka Libya.”

Previous Post

Sama Sheeg

Next Post

Rooble oo la kulmay wafdi ka socday Bangiga Adduunka “SAWIRRO”

Next Post
Rooble oo la kulmay wafdi ka socday Bangiga Adduunka “SAWIRRO”

Rooble oo la kulmay wafdi ka socday Bangiga Adduunka "SAWIRRO"

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

February 13, 2026
0

Iyadoo ay socoto qabsoomidda Shir-Madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

February 13, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa maalinimadii shalay cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland,iyagoo ku dhawaaqay in tallaabadaasi ay...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫e 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐚𝐥𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚 “𝐁𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐨𝐨𝐛𝐤𝐢𝐢 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫e 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐚𝐥𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚 “𝐁𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐨𝐨𝐛𝐤𝐢𝐢 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚”

February 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa ka qaybgalay Baalfurka Buugga “Baadigoobkii Nabadda Geeska Afrika”,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

February 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska oo ay hoggaaminaysay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In