Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Turkiga oo ku gacan sayrey hindise madaxweynaha Faransiiska soo jeediyay

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Turkiga oo bogaadiyay dib u soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed Soomaaliya iyo Kenya

Turkey flag background

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

Turkeyga ayaa ku gacan seertay baaq ka yimid madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo ahaa in dhammaan quwadaha shisheeye ay ciidamadooda kala baxaan Libya.

Dalka Libya ayaa waxaa ka socday dagaal sokeeye tan iyo markii xukunka laga tuuray kaligii taliye Mucamar Qadafi, oo ku baxay kacdoonkii 2011.

Turkey ayaa Libya u dirtay ciidamo iyo maleeshiyaad Suuriyaan ah oo ku xiran si ay u xoojiyaan dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Tripoli, halka Russia iyo dalal kale ay taageerayaan kooxda bariga Libya ee uu hoggaamiyo Jeneraal Khalifa Haftar.

Macron ayaa ka sheegay shirka caalamiga ah ee Libya ee Jimcihii ka dhacay Paris β€œIn Russia iyo Turkey ay calooshood u shaqeystayaashooda kala baxaan Libya ayada oo aan dib loo dhigin.”

Hase yeeshee la-taliyaha sare ee siyaasadda arrimaha dibedda ee madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa AFP u shaqeeya in diiradda oo la saaro in si deg deg ah ay ciidamada uga baxaan Libya β€œay tahay khalad.”

β€œHaddii aad ka dhigto bixitaanka ciidamada shisheeye ee Libya tan ugu muhiimsan, waxaan aaminsannahay in taasi ay tahay khalad,” ayuu yiri Ibrahim Kalin.

β€œLibya waxay u baahan tahay in laga taageero hannaankeeda siyaasadda, doorashooyinka iyo arrimaha dhaqaale,” ayuu yiri Kalin oo tixraacaya doorashooyinka madaxweyne ee madaxda caalamka ay doonayaan inay dhacaan 24-ka December.

France ayaa ayada xitaa lagu eedeeyaa inay taageero Khalifa Haftar, balse waa ay iska fogeysay.

Turkey ayaa Paris u dirtay wafdi heerkiisu hooseeyo, taasi oo astaan u ah sida aysan ugu faraxsaneyn mowqifka siyaasadda arrimaha dibdda Macron.

Kalin ayaa sheegay in joogitaanka militari ee Turkey ee Libya ay gacan ka gaysan doonto xasilloonida siyaasadeed iyo tan amni ee dalkan hodanka ku ah tamarta.

β€œJoogitaankeena militari ee halkaas waa inaan caawino tababarka ciidamada Libya,” ayuu yiri.

β€œWaxaan halkaas u joognaa quwad xasilin ahaan iyo caawinta shacabka Libya. Muhiimaddeenuna, marka ay noqoto amniga, waa inaan reer Libya ka caawinno dhismaha ciidamada qaranka Libya.”

Previous Post

Sama Sheeg

Next Post

Rooble oo la kulmay wafdi ka socday Bangiga Adduunka “SAWIRRO”

Next Post
Rooble oo la kulmay wafdi ka socday Bangiga Adduunka “SAWIRRO”

Rooble oo la kulmay wafdi ka socday Bangiga Adduunka "SAWIRRO"

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In