Wednesday, August 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Turkiga iyo Soomaaliya oo qalinka ku duugay heshiis Shidaal baaris ah (WARBIXIN)

Idman Yahye by Idman Yahye
April 26, 2025
in Wararka
0
Turkiga iyo Soomaaliya oo qalinka ku duugay heshiis Shidaal baaris ah (WARBIXIN)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa bishan 10-keedii sheegay in Shidaalka Turkiga uu bilaabi doono howlo sahamin Shidaal iyo Gaas ah Seddex goobood oo ku yaalla Soomaaliya bilaha soo socda. Shirkadda Shidaalka ee Turkiga iyo Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed ayaa magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga ku kala saxiixday heshiiska baarista iyo soo saarista kaarboonka laga dhaliyo.

“Howlaha sahaminta Saliidda iyo Gaaska ayaa bilaha soo socda ka bilaaban doona Seddex goobood oo muhiim ah oo xeebta ku yaalla oo gaaraya ku dhawaad (​​16,000) oo kiiloomitir laba jibaaran”, ayuu yiri Bayraktar. “Wejiga koowaad wuxuu noqon doono cilmi baarista Seismic, kadibna waxaa ku xigi doonaan howlgalo qodis ah, iyadoo ujeedadu tahay in la ogaado lagana soo saaro Saliid iyo Gaaska goobahaasi”, ayuu sii raaciyay.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Qaranka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Qaranka Shiinaha

August 27, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi ka socday Suudaan

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi ka socday Suudaan

August 27, 2025

Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Oruc Reis ayaa hadda waxa uu baaritaanno Seismic ah oo Seddex geesood ah ka wada deegaanno ka tirsan Xeebaha Soomaaliya, iyadoo heshiiskan uu qeyb ka ahaa heshiis hore. Oruc Reis uu horay u dhammaystiray ku dhawaad ​​78% howsha sahaminta, Bayraktar wuxuu yiri: “Dhammaadka bisha May, waxaan ku dhammeyn doonnaa daraasadaha Seismic-ka halkaas”. “Iyada oo ku saleysan xogta la uruuriyay, waxaan gaari doonaa go’aankayaga ku saabsan Wejiga xiga, kaasi oo ah qodista,” ayuu yiri.

Bayraktar waxa kale oo uu daboolka ka qaaday in magaalada Istanbul ay martigelin doonto Shirka Khayraadka Dabiiciga ah ee Caalamiga ah bisha May 2-deeda. Wasiiro iyo shirkado ay khusayso oo ka kala socda daafaha caalamka ayaa isugu iman doona, xafladaasina ayaa looga gol leeyahay in kor loogu qaado iskaashiga, gaar ahaan dhinaca Shidaalka, Gaasta dabiiciga ah, iyo Macdanta.

“Dhammaanteen waxay noo tahay maalin taariikhi ah” ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya mudane Daahir Shire Maxamed, wuxuuna sheegay in koox loo abaabuli doono, si ay Soomaaliya u aadaan, si ay u qiimeeyaan oo ay ugu diyaar garoobaan shaqada weyn ee hortaala.”  Sida uu sheegeen, Madaxweynayaasha Turkiga iyo Soomaaliya “waxaa ka go’an inay Soomaaliya gaarsiiyaan heer ka duwan kuwii hore.

“Soomaaliya waxa ay ku jirtay tobanaan sano oo colaado sokeeye, dagaalo, iyo la dagaalanka kooxaha nabad diidka ah, balse hadda waxaa la joogaa xilligii aan horumarin laheyn kheyraadka dabiiciga ah, anaga oo kaashaneyna Walaalaheena Turkiga, waxaan ku guuleysan doonnaa midaasi mustaqbalka dhow,” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka, sida ay daabacday Wakaaladda Wararka ee Turkiye Anadolu.

‘Iskaashiga mustaqbalka’, Wasiirka Soomaaliya ayaa yiri: “Waxaan sidoo kale ka fekereynaa kheyraadka kale sida Macdanta.” Waxa uu sheegay in marka la sameeyo aasaaska sharci ee lagama maarmaanka ah, shirkadaha macdanta ee Turkiga ay soo geli karaan Soomaaliya, si ay heshiisyo iyo qandaraasyo u sameeyaan.

Sharciga Batroolka Soomaaliyeed waxaa la ansixiyay sanadka 2020-kii, wuxuuna dejinaya qaab-dhismeedka iyo siyaasada shidaalka iyo Gaasta dalka, oo ay ku jiraan adeegsiga heshiisyada Wax-soo-saar Wadaagga (PSAs) iyo in la hubiyo in kheyraadka Shidaalka iyo Gaasta ay gaar u leeyihiin dadka Soomaaliyeed. Sharcigan ayaa sidoo kale waxaa ku jira heshiis dakhli qeybsi ah, kaasoo dakhliga u qeybinaya shacabka Soomaaliyeed, iyadoo loo marayo lixda dowlad goboleed ee xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

Heshiiska taariikhiga ah ee ay Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen ee sahminta iyo soo saarista Shidaalka iyo Gaaska ayaa si weyn u soo jiitay indhaha bulshada, balse sidoo kale wuxuu abuuray jahawareer iyo faafin xog khaldan oo aan sax ahayn.

‘Shidaalka Soomaaliya waxaa leh Soomaaliya’. Heshiisku si cad ayuu u qeexayaa in Shidaalka iyo Gaaska dabiiciga ah ee ku jira dhulka iyo Badda Soomaaliya ay yihiin hanti Qaran oo ay leeyahay Shacabka Soomaaliyeed. Heshiiskani wax isbedel ah kuma keenayo lahaanshaha kheyraadka dalka.

“Turkiga ama shirkad kale lama siinin xuquuq lahaansho shidaal. Turkiga waxa uu kaliya yahay shirkadda fulinaysa howsha sahminta iyo soo saarista, balse ma laha wax xuquuq ah oo ku saabsan hantida shidaalka. Lahaanshuhu wuxuu weli si buuxda ugu jiraa gacanta Soomaaliya”, sidaasi waxaa yiri Khabiir Soomaaliyeed.

Intaan Xusuusnoow  haddaba:-

* Lahaanshuhu wuxuu weli gacanta ugu jiro shacabka Soomaaliyeed,
* Faa’iido la helayo xilli hore,
* Khataraha la iska ilaalinayo,
* Isla markaana loo gogol xaarayo mustaqbal madax-bannaani dhaqaale iyo horumar farsamo.

Soomaaliya waxay ku jirtaa marxalad cusub oo ay si xikmad leh ugu maaraynayso kheyraadkeeda, si uu uga faa’iido Shacabkeeda maanta iyo berriba.

By. C/lahi Ruush

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda XFS oo washington kulamo muhiim ah kula qaatay madaxda iyo ururada Caalamiga ah ee ka shaqeeya dhaqaalaha

Next Post

Wasiirka Warfaafinta oo tababar ku saabsan tabinta Doorashooyinka u furay suxufiyiin ka socda qeybaha Warbaahint

Next Post
Wasiirka Warfaafinta oo tababar ku saabsan tabinta Doorashooyinka u furay suxufiyiin ka socda qeybaha Warbaahint

Wasiirka Warfaafinta oo tababar ku saabsan tabinta Doorashooyinka u furay suxufiyiin ka socda qeybaha Warbaahint

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Qaranka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Qaranka Shiinaha

August 27, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi ka socday Suudaan

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi ka socday Suudaan

August 27, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka...

Xukuumadda oo furtay Aqoon-is-weydaarsi Qaran oo ku saabsan hannaanka Xafiiska Qaran ee Isbeddelka Cimilada

Xukuumadda oo furtay Aqoon-is-weydaarsi Qaran oo ku saabsan hannaanka Xafiiska Qaran ee Isbeddelka Cimilada

August 27, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige oo uu wehlinayo Wasiirka Deegaanka iyo Isbaddalka Cimilada Mudane Bashiir Maxamed...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Kulan ku saabsan u hoggaansanaanta Xeernidaamiyaha Xargaha Fiberka Badda

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Kulan ku saabsan u hoggaansanaanta Xeernidaamiyaha Xargaha Fiberka Badda

August 27, 2025
0

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa maanta qabatay kulan looga hadlay u hoggaansanaanta Xeernidaamiyaha Xargaha Fiberka Badda. Kulanku waxa uu isu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In