Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo tababar ku saabsan tabinta Doorashooyinka u furay suxufiyiin ka socda qeybaha Warbaahint

Idman Yahye by Idman Yahye
1 year ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo tababar ku saabsan tabinta Doorashooyinka u furay suxufiyiin ka socda qeybaha Warbaahint
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO: Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qaban qaabisay Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka dalka oo ay ka qeyb gelayaan ilaa 25 weriyayaal ah oo ka kala socda Warbaahinta Gaarka loo leeyahay iyo Warbaahinta Qaranka.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo Aqoon Isweydaarsiga furay ayaa sheegay in ahmiyaddu tahay kor u qaadista doorka Warbaahinta ee tabinta Doorashooyinka, iyada marwalba Saxaafadda Tabintooda ku dhisaysa dhismaha kalsoonida dadweynaha, sugnaan, daah furnaan iyo u sinnaanta dhinacyada doorashada.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa kula dardaarmay Wariyayaasha ka qeyb galaya tababarkan iyo guud ahaan Warbaahinta in ay saaran tahay mas’uuliyad oo la xiriirta jiheynta dadweynaha iyo ilaalinta dhismaha nabadda marwalba gaar ahaan xilligani oo lagu jiro marxalad dowladdu gacanna kula dagaalamayso khawaarijta, gacanna ku gudanaysa waajibka ka saaran in dadweynaha doortaan cidda maamulaysa.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa sharxay ujeedada Tababarkan oo Wasaaradda Warfaafinta uu ka taageeray Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in diiradda la saarayo xoojinta Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka.

Tababarkan ayaa soconayaa laba maalmood waxaa uu diiradda saarayaa xoojinta fahamka Warbaahinta ee kaalintooda baahinta Doorashooyinka waxaana bixinaya khubarro ku xeeldheer Saxaafadda.

     

Previous Post

Turkiga iyo Soomaaliya oo qalinka ku duugay heshiis Shidaal baaris ah (WARBIXIN)

Next Post

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si habsami leh uga socota 13 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir

Next Post
Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si habsami leh uga socota 13 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si habsami leh uga socota 13 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In