Wednesday, October 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Uganda oo taageertay in Soomaaliya ay ku biirito urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha  bariga Afrika

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 6, 2023
in Wararka
0
Uganda oo taageertay in Soomaaliya ay ku biirito urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha  bariga Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha dibadda dowladda Uganda Mr. Abubakhar Jeje Odongo ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu magaalada Kampala gaar ahaan xarunta Wasaaradda arrimaha dibadda ee Uganda kula qaatay ergayga gaarka ee Madaxweynaha ee urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha  bariga Africa Dr. Cabdisalaan Hadliye Cumar.

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen diblomaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Uganda ayaa waxa uu ergayga gaarka ah ee urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika Dr. Cabdisalaan warbixin ka siiyay Wasiirka Arrimaha dibadda dowladda Uganda heerka ay marayso ku biiritaanka Soomaaliya ee ururkan.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Wafdi matalayay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee Mareykanka

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Wafdi matalayay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee Mareykanka

October 7, 2025
Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

October 7, 2025

Ergeyga ayaa sidoo kale Wasiirka uga waramay heerka ay marayso codsiga xubinimada Soomaaliya ee EAC, isagoo uga warbixiyay shirkii guddiga farsamada ee lagu qabtay Muqdisho bishii janaayo 2023, kaasoo lagu eegayay u diyaarsanaanta Soomaaliya ee xubinimada ururkaas, shirkaas oo ay natiijo fiicani kasoo baxday.

Dr. Cabdisalaan Hadliye ayaa u sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda  in Soomaaliya ay ka doonayso dalka Uganda taageero si loo meelmariyo xubinimo buuxda oo Soomaaliya ka hesho ururka (EAC).

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Uganda oo kulanka ka hadlay ayaa u sheegay Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya in dalka Uganda uu si buuxda u taageersan yahay kusoo biiridda Soomaaliya ee ururka EAC, waxa uuna cadeeyay in Soomaaliya horayba si ficil ah uga mid tahay ururka marka la fiiriyo ganacsiga iyo xiriirka dadwaynaha oo Soomaalidu saamayn weyn ku leedahay gobolka,

“Kusoo biiradda Soomaaliya ee ururkaan waxay faa’iido ugu jirtaa ururka laftiisa”.  Ayuu  yiri Wasiirka  oo u balan qaaday Ergeyga gaarka ah in dalka Uganda taageeri doono mar walba dalabka kubiiritaanka Soomaaliya ee ururka EAC.

Previous Post

Gubadleey oo lagu soo bandhigay jawaano ay ka buuxaan Maandooriyeyaal “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Kalluumeysiga oo saxiixay xeerka bixinta shatiyada

Next Post
Wasiirka Kalluumeysiga oo saxiixay xeerka bixinta shatiyada

Wasiirka Kalluumeysiga oo saxiixay xeerka bixinta shatiyada

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Wafdi matalayay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee Mareykanka

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Wafdi matalayay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee Mareykanka

October 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi matalayay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee ku...

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

October 7, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay Shirka Iskaashiga Ganacsiga Dalalka Bariga Afrika oo markii 2-aad...

𝐃𝐫. 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐍𝐮𝐮𝐫: “𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐲𝐨 𝐥𝐞𝐡, 𝐛𝐢𝐲𝐨-𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐧𝐨 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐢𝐜𝐝𝐞𝐞𝐝𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐫𝐢-𝐬𝐚𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢”

𝐃𝐫. 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐍𝐮𝐮𝐫: “𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐲𝐨 𝐥𝐞𝐡, 𝐛𝐢𝐲𝐨-𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐧𝐨 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐢𝐜𝐝𝐞𝐞𝐝𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐫𝐢-𝐬𝐚𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢”

October 7, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay bilaabayso...

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

October 6, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Geneva kulamo gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In