Friday, September 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Uganda oo taageertay in Soomaaliya ay ku biirito urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha  bariga Afrika

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Uganda oo taageertay in Soomaaliya ay ku biirito urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha  bariga Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha dibadda dowladda Uganda Mr. Abubakhar Jeje Odongo ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu magaalada Kampala gaar ahaan xarunta Wasaaradda arrimaha dibadda ee Uganda kula qaatay ergayga gaarka ee Madaxweynaha ee urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha  bariga Africa Dr. Cabdisalaan Hadliye Cumar.

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen diblomaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Uganda ayaa waxa uu ergayga gaarka ah ee urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika Dr. Cabdisalaan warbixin ka siiyay Wasiirka Arrimaha dibadda dowladda Uganda heerka ay marayso ku biiritaanka Soomaaliya ee ururkan.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026

Ergeyga ayaa sidoo kale Wasiirka uga waramay heerka ay marayso codsiga xubinimada Soomaaliya ee EAC, isagoo uga warbixiyay shirkii guddiga farsamada ee lagu qabtay Muqdisho bishii janaayo 2023, kaasoo lagu eegayay u diyaarsanaanta Soomaaliya ee xubinimada ururkaas, shirkaas oo ay natiijo fiicani kasoo baxday.

Dr. Cabdisalaan Hadliye ayaa u sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda  in Soomaaliya ay ka doonayso dalka Uganda taageero si loo meelmariyo xubinimo buuxda oo Soomaaliya ka hesho ururka (EAC).

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Uganda oo kulanka ka hadlay ayaa u sheegay Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya in dalka Uganda uu si buuxda u taageersan yahay kusoo biiridda Soomaaliya ee ururka EAC, waxa uuna cadeeyay in Soomaaliya horayba si ficil ah uga mid tahay ururka marka la fiiriyo ganacsiga iyo xiriirka dadwaynaha oo Soomaalidu saamayn weyn ku leedahay gobolka,

“Kusoo biiradda Soomaaliya ee ururkaan waxay faa’iido ugu jirtaa ururka laftiisa”.  Ayuu  yiri Wasiirka  oo u balan qaaday Ergeyga gaarka ah in dalka Uganda taageeri doono mar walba dalabka kubiiritaanka Soomaaliya ee ururka EAC.

Previous Post

Gubadleey oo lagu soo bandhigay jawaano ay ka buuxaan Maandooriyeyaal “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Kalluumeysiga oo saxiixay xeerka bixinta shatiyada

Next Post
Wasiirka Kalluumeysiga oo saxiixay xeerka bixinta shatiyada

Wasiirka Kalluumeysiga oo saxiixay xeerka bixinta shatiyada

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In