Friday, July 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ugu yeraan 50 ruux oo deegaannada Jubbooyinka ugu dhintay cudur aan la aqoon

caqiil by caqiil
April 21, 2016
in Wararka
0
Ugu yeraan 50 ruux oo deegaannada Jubbooyinka ugu dhintay cudur aan la aqoon
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxa kormeerka iyo qiimeynta ee hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Maxamuud Xasan, oo shir jaraa’id ku qabtay maanta magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in cudur aan la garaneyn waxa uu yahay balse leh astaamo ay kamid yihiin, shuban iyo matag, uu saameyn ku yeeshay dadka ku nool gobolka Jubada dhexe, gaar ahaana deegaano ay kamid yihiin, Bu’aale, Salagle, Saakow iyo tuulooyin hoostaga deegaanadaasi.

Waxa uu sheegay in todobaadkii ugu dambeeyey cudurkaasi ay ku dhinteen ku dhawaad 100-qof oo shacab ah, isaga oo ku baaqay in laga qeyb galo bad baadinta dadkaasi.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025

“Cudurkan waxa uu leeyahay laba astaamood oo kala ah, shuban iyo matag, todobaadkii lasoo dhaafay waxaa naloo soo sheegay in 100-qof ay u dhinteen, 20-kii saac ee aan soo dhaafnayna waxaa u geeriyooday cudurkaas 45-qof” ayuu yiri Xasan.

Maxamuud Xasan, madaxa kormeerka iyo qiimeynta ee hay’ada Maareynta Musiibooyinka ayaa sidoo kale sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay deegaanka Saakow, oo kaliya ay ku dhinteen afartan iyo shan ruux oo uu saameeyey cudurkaasi.

Hay’adaha caafimaadka oo ay hormuud u tahay wasaarada caafimaadka ayuu u jeediyey in ay ka qeyb galaan sidii gar gaar caafimaad loo gaarsiin lahaa dadkaasi Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gobolka Jubada dhexe.

W/D:-Muxudiin MMC

 

Previous Post

Adeeg caafimaad oo bilaash ah oo loo sameeyay dad danyar ah

Next Post

Heeskii wacad baa inoo yaal ciideyda wacaneey wacadbaa inoo yaal+Dhageyso

Next Post
Barnamijka, Falanqaynta Ciyaaraha oo looga haddlaayay Xiriirka Cusub ee Kubadd Cag yaraha Soomaaliyeed” Dhagayso”

Heeskii wacad baa inoo yaal ciideyda wacaneey wacadbaa inoo yaal+Dhageyso

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Turkiga Soomaaliya u jooga Mudane Alper...

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025
0

Maxamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Guutada 23-aad...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay abaarta ka jirta Gobalka Awdal

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle “Xaalada abaarta gobolka Awdal si gaar ah ayaa ula socnay, waxaana ka dowlad...

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In