Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Afrika

Uhuura Keyatta iyo Railla Odinga oo gaaray heshiis horudhac ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Afrika, Wararka
0
Uhuura Keyatta iyo Railla Odinga oo gaaray heshiis horudhac ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxwaynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta, iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Nairobi ee caasimada Dalka Kenya, kaas oo qorshihiisa iyo ahaa sidii ay qorshe mid ah ugu wada qaadan lahaayeen xurgufta siysaadaeed ee ka dhex taagan labada dhinac.

Kulankan oo shalay ka dhacay xarunta Harambee House ee Magaaalada Nairobi ayay si wada jir ah isula meel dhigeen sida ugu wanaagsan ee loo curin kara horumar siyaasadeed, iyadoo meel layska dhigayo murankii soo kala dhex galay Labada hoggaamiye.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga ayaa warbaahinta si wadajir ah ula hadlay ka dib markii ay yeesheen kulankoodii ugu horreeyay tan iyo doorashadii ka dhacday Kenya, iyadoo uu weli hoggaamiyaha mucaaradku carrabka ku ballaadhin inuu Uhuru yahay hoggaamiyaha Dalka.

Railla Odinga ayaa horraantii Sanadkan isu dhaariyay madaxwaynaha Dalka Kenya, isagoo meesha ka saaray inuu Uhuru Kenyatta, uu ku guulaystay doorashii dhacday.

Labada hoggaamiye ayaa waxay horay ugu gacan sayreen inay kulmaan,waxaase lagu wadaa in isku soo dhawaashiyahani uu gadaal ka riixayo Maraykanka oo galangal badan ku leh Dalka Kenya.

Dhinaca kale Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson ayaa lagu wadaa in uu Maanta booqasho ku tago caasimadda Kenya ee Nairobi, iyadoo lagu wado inuu dhammaystiro wada hadalkan horudhaca ah.

Mr Kenyatta ayaa yiri: “waxa aan billaabaynaa geedi socod aan uga wadaxaajoonayno halka ay dhibaatada naga haysato iyo waxa nakala qaybinaya, halka uu Railla Odingana sheegay in la joogo waqtigii la xalin lahaa farqiga u dhexeeya labada dhinac.

Previous Post

Mareykanka oo shuruud ku xiraya wadahadalada Kuuriyada Waqooyi

Next Post

Ra’iisalwasaare ku Xigeenka Soomaaliya oo booqasho ku tagay dalka Hindiya

Next Post
Ra’iisalwasaare ku Xigeenka Soomaaliya oo booqasho ku tagay dalka Hindiya

Ra’iisalwasaare ku Xigeenka Soomaaliya oo booqasho ku tagay dalka Hindiya

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In