Monday, December 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

UK oo bogaadisay Horumarada Siyaasadda iyo Amniga oo ay ku tallaabsatay Soomaaliya+Sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
UK oo bogaadisay Horumarada Siyaasadda iyo Amniga oo ay ku tallaabsatay Soomaaliya+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xoghayaha Difaaca dalka Ingiriiska Rt.Hon Gavin Williamson,ayaa maalintii talaalada soo gaaray magaalada Muqdisho,isagoona dib u xaqiijiyay balanqaadkii UK ee ahaa iney taageerto Soomaaliya si loo xaqiijiyo isbedel dhab ah oo ku saabsan Xagga Amniga,Siyaasadda iyo arrimaha dhaqaalaha Soomaaliya.

Xoghayaha Difaaca UK,ayaa la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo,isagoona ugu hambalyeeyay natiijooyinkii wanaagsanaa ee ka soo baxay Madashii iskaashiga Soomaaliya ee ka qabsoomay magaalada Brussels ee dalka Belgiumka,wuxuuna si gaar ah farta ugu goday arrimaha Siyaasadda,horumarada loo qaaday dhanka wanaagga,qeybaha Ammaanka iyo waliba isdhexgalka ciidamada Gobolka ee lagama maarmaanka u ah dagaalka kooxda argagixisada ee Al-Shabaab.

Related posts

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025

Sidoo kale,Xoghayaha Difaaca UK Rt.Hon Gavin Williamson,ayaa la kulmay Hoggaanka AMISOM,waxayna ka wada xaajoodeen sida UK iyo AMISOM Soomaaliya kaga caawin karaan qorshaha KMG ah loona xoojin lahaa sidii ciidamada Xoogga dalka Amniga kagala wareegi lahaayeen Ciidamada AMISOM.

Intaasi kadib ayaa Xoghayaha Difaaca dalka UK wuxuu la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) iyo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka General C/wali Jaamac Xuseen (Gorod),Waxayna kullankooda xooga ku saareen dhismaha Ciidanka Xoogga dalka iyo iney awood u yeeshaan la wareegida Amniga dalka.

Ugu danbeyntii,Xoghayaha Difaaca Uk,oo booqashadiisii ugu horeysay ee ku yimaada Somaaliya ka hadlayay wuxuu yiri” ” Booqashadeydii ugu horeysay ee Soomaaliya Waxaan ku faraxsanahay inaan la kulmo Madaxweyne Farmaajo oo aan maqlo qorshayaashiisa iyo mudnaanta dowladda, waxaanan ka wada hadalnay sida aan u wada shaqayn karno si loo hagaajiyo amniga una keeno horumarka dhaqaale ee Soomaaliya u baahan tahay si loo hagaajiyo nolosha dadkeeda.

Previous Post

Guddi joogteeyaa habsami u socodka arrimaha Xajka iyo adeegyada Xujeyda Soomaaliyeed oo la magacaabay

Next Post

Wasiirka Maaliyadda oo shaaciyay in loo tartamayo xilka Guddoomiyaha Bangiga dhexe

Next Post
Wasiir Beyle oo Sheegay in ay Dhaqan gashay Canshuurta Gadista

Wasiirka Maaliyadda oo shaaciyay in loo tartamayo xilka Guddoomiyaha Bangiga dhexe

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shir 5 maalmood socday oo looga hadlayay arrimaha isbeddelka cimilada iyo nidaamka helida...

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO(GALGADUUD):-Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Cabdi Cusmaan Cabdullaahi iyo Gallad Axmed Xuseen, sidoo...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay kulanka xiritaanka ee Madasha Caalamiga...

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa si rasmi ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In