Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ukraine oo u yeeratay danjiriyaashii u joogay Morocco iyo Georgia

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
4 years ago
in Wararka
0
Ukraine oo u yeeratay danjiriyaashii u joogay Morocco iyo Georgia
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa u yeeray danjiriyaasha u fadhiyay dalalka Morocco iyo Georgia, ka dib markii diblomaasiyiintan ay ku guuldareysteen in ay ka dhaaciyaan dalalka ay joogeen in ay cunaqabateyn saaraan Russia maadaama uu ku soo duulay dalkiisa.

“Anigoo idin xushmeynayna, hadaadan hub heysan, oo cunaqabateyn saari Karin ama aadan xayiri Karin ganacsatada Russia, fadlan shaqo kale raadsada,” ayuu Zelenskyy ku yiri khudbad xalay u jeediyay dadkiisa.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

January 26, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

January 26, 2026

“Maalmaha soo socda waxaa filayaa natiijo cad oo ka soo baxda dalalka; Latin Amerika, Afrika, Bariga dhexe iyo Koofur Bari Aasiya,” ayuu ku daray hadalkiisa.

Madaxweyne Zelenskyy, ayaa todobaadyadii u dambeeyay wuxuu khudbado u jeedinayay baarlamaanada dalalka caalamka, isagoo ku boorinayay in ay taageeraan Ukraine isla markaana ka soo hor jeestaan duulaanka Russia.

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli wefdi ka socda Ukraine ay ku sugan yihiin Washington si Mareykanka uga dhaadhiciyaan in uu kordhiyo cunaqabateynta Russia.

Sidoo kalena waxay codsanayaan in taageero militiri iyo mid maaliyadeed lagu bari taaro Ukraine oo xilli adag ku jirta.

Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa hormuud u ah jawaabta dalalka reer galbeedka ka bixiyeen duulaankii Russia ee 24 bishii hore, ayagoo ku soo rogay Russia cunaqabateyn adag, sidoo kale Ukraine siiyay hub iyo dhaqaale.

Duulaanka Russia ee Ukraine ayaa galay todobaadkii shanaad, waxaana colaadaas ku dhintay kumanaan reer Ukraine ah halka Malaayiin kale u firxadeen dalalka deriska ah.

Previous Post

Mdaxweyne Deni oo isku shaandheyn balaaran ku sameeyay Golaha Wasiirada

Next Post

Qoor Qoor oo Guddoomiye Cusub Magacaabay

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo saxiixay shuruuc muhiim ah oo uu Barlamaanka Galmudug meelmariyey

Qoor Qoor oo Guddoomiye Cusub Magacaabay

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

January 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad eeXukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane JibrilCabdirashiid Xaaji ayaa si rasmi ah u daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

January 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee...

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

January 26, 2026
0

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), oo kaashaneysa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Muhaajiriinta iyo...

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

January 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In