Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ukraine oo u yeeratay danjiriyaashii u joogay Morocco iyo Georgia

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
4 years ago
in Wararka
0
Ukraine oo u yeeratay danjiriyaashii u joogay Morocco iyo Georgia
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa u yeeray danjiriyaasha u fadhiyay dalalka Morocco iyo Georgia, ka dib markii diblomaasiyiintan ay ku guuldareysteen in ay ka dhaaciyaan dalalka ay joogeen in ay cunaqabateyn saaraan Russia maadaama uu ku soo duulay dalkiisa.

“Anigoo idin xushmeynayna, hadaadan hub heysan, oo cunaqabateyn saari Karin ama aadan xayiri Karin ganacsatada Russia, fadlan shaqo kale raadsada,” ayuu Zelenskyy ku yiri khudbad xalay u jeediyay dadkiisa.

Related posts

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

March 30, 2026
Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

March 30, 2026

“Maalmaha soo socda waxaa filayaa natiijo cad oo ka soo baxda dalalka; Latin Amerika, Afrika, Bariga dhexe iyo Koofur Bari Aasiya,” ayuu ku daray hadalkiisa.

Madaxweyne Zelenskyy, ayaa todobaadyadii u dambeeyay wuxuu khudbado u jeedinayay baarlamaanada dalalka caalamka, isagoo ku boorinayay in ay taageeraan Ukraine isla markaana ka soo hor jeestaan duulaanka Russia.

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli wefdi ka socda Ukraine ay ku sugan yihiin Washington si Mareykanka uga dhaadhiciyaan in uu kordhiyo cunaqabateynta Russia.

Sidoo kalena waxay codsanayaan in taageero militiri iyo mid maaliyadeed lagu bari taaro Ukraine oo xilli adag ku jirta.

Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa hormuud u ah jawaabta dalalka reer galbeedka ka bixiyeen duulaankii Russia ee 24 bishii hore, ayagoo ku soo rogay Russia cunaqabateyn adag, sidoo kale Ukraine siiyay hub iyo dhaqaale.

Duulaanka Russia ee Ukraine ayaa galay todobaadkii shanaad, waxaana colaadaas ku dhintay kumanaan reer Ukraine ah halka Malaayiin kale u firxadeen dalalka deriska ah.

Previous Post

Mdaxweyne Deni oo isku shaandheyn balaaran ku sameeyay Golaha Wasiirada

Next Post

Qoor Qoor oo Guddoomiye Cusub Magacaabay

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo saxiixay shuruuc muhiim ah oo uu Barlamaanka Galmudug meelmariyey

Qoor Qoor oo Guddoomiye Cusub Magacaabay

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

March 30, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn ah ayaa gaaray magaalada Baydhabo, ka dib markii ay waddada dheer...

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

March 30, 2026
0

Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, oo ay hoggaamineyso Guddoomiyaha Guddiga Dr. Maryam Qasim Axmed, ayaa...

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

March 30, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 203 Guutada 20aad Qeybta 1aad Kumaan Dooska GorGor ayaa howlgalo Amni Xaqiijin iyo sifeyn...

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta heshiis Is-afgarad la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In